Bartamaha(Muqdisho):-Shilal gaari oo qasaara kala duwan dhaliyay ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Dad badaan ayaa ku nafwaayay shilal gawaari oo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay wadada isku xerta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
Wadada oo burbursan iyo gawaarida oo aad ugu badatay wadadaasi ayaa waxa ay sababtay in ay isku dhacaan gawaari badan.
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay 4-shil oo ka dhacday wadada ay sababeen dhimashada 4-qof oo rayid ah iyo dhaawaca in ka badan 11-qof oo kale oo dhammaan saarnaa gawaarida shilalka galay.
Saacadaihii ugu dambeeyay waxaa shilalkan ay dhacayeen aroornimada hore iyo galabtii xiliga gabal dhaca taasi oo sababta looga dhigay darawalada oo xawaare sare ku kexeeya gawaarida.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.