Shil gaari oo saaka aroortii hore ka dhacay Wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad Ee Gobolka Sh/dhexe.

Posted on Aug 16 2009 - 9:28am by News Desk
Tweet
Pin It

rogmshoBartamaha (Jowhar):- shirkan gaari ayaa waxa uu saaka ariirtii hore uu ka dhacay Deegaanka Qalimow oo u dhexeeya Jowhar Iyo Balcad halkaasi oo dhaawacya ay ka soo gaartay dadkii rakkaabka ahaa.

Gaari nuuca Xamuulka ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku rogmaday Wadadaasi ka dib markii ay u baxday lugta danbe islamarkaana uu ka baxay wadada uu ku socday taasi oo sababtay in uu si toos ah u rogmado.

Inta la ogyahay waxaa dhaawac uu ka soo gaaray shilkaasi 5-ruux oo ka mid ahaa rakkaabkii gaariga kuwaasi oo qaar ka mida uu soo gaaray dhawacyo fudub balse qaar kale ay Jab uu soo gaaray xunbaha qaarkood.

Dadka Deegaanka Qalimow ayaa gurmad u sameeyay dadkii gaarigaasi uu shilka ku yimid saarnaa iyadoo ay dhaawacyadii dadka ay soo gaareen loola cararay isbitaalka Magaalada Jowhar.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa joogta noqotay shilalka gawaarida Ee Wadadaasi ka dhacaya ka dib markii jidkaai  uu  soo gaaray bur-bur xoogan ka dib markii uu waayay wax dayactir ku sameeya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.