Shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Gilinsoor iyo Gaalkacyo.

Posted on Jan 21 2010 - 3:53pm by News Desk
Tweet
Pin It

shilaljkaBartamaha(Gaal-Kayo):-Shil gaari ayaa maanta ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Gilinsoor iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Shilkaasi gaari ayaa sababay geerida 1 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 2-ruux oo kale waxaana shilka uu dhacay xilli gaarigan uu kayimid dhanka degmada Gilinsoor islamarkaana uu ku sii jeeday magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dadka shilkan ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay cisbitaalka magaalada Gaalkacyo oo hadda lagu dabiibayo.

Shilalka gaari ayaa intabadan ka dhasha bur burka wadooyinka xilli aysan jirin dayactir lagu sameeyo wadooyinka taasi oo soo dadajisa in gaadiidka ay qalibmaan.

Tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Somalia sanadkii 1991 waxaa dalka Soomaaliya ku soo badanayay shilalka gawaarida oo inta badan loo aaneeyo burburka Wadooyinka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.