Bartamaha(Muqdisho):-shil gaari qasaara sababay ayaa maanta ka dhacxay Deegaanada loo barakacay duleedka Muqdisho ka dib markii ay isku dheceen Laba gaaro dad kalana ay salfadeen.
Laba qof ayaa dhimatay 5-kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Laba gaari ay iskula dheceen Deegaanka Lafoole oo u dhexeeya Afgooye iyo Ceelasha Biyaha halkaasi oo dad socota ah shilkaasi ku dhinteen.
Labada gaari ayaa waxa ay isku dheceen xilli ay Xawaare sare ku socanayeen iyadoo dadka dhintay uu mid ka mid ahaa wiil yar oo socday wadada hareerteeda islamarkaana uu ku dhacay mid ka mida gawaarida isku dhacday.
Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay Isbitaalada Afgooye iyo muqdisho oo lagu dabiibayo dhaawacyadooda oo laba ka mida ay ahaayeen garaabito ama halis maadaama ay jirkooda ka muuqdeen dhaawacyo culus.
Shilalka ayaa waxa ay noqdeen kuwa ku soo batay wadada laamiga ah ee ka baxda Muqdisho islamarkaana ay ku safraan dadkii isaga barakacay muqdisho ee dagan Ceelasha Biyaha Illaa Afgooye.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.