Bartamaha(Bijiin):-Dowlada Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in ay qeyb muhiim ah ka qaadaneyso howlaha la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Mas’uul katirsan wasaarada arimaha dibada ee dowladda shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in xukumadda Bijin ay kaalin mug leh kaqaadan doonto howlaha la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, islamarkaana maraakiibteeda dagaalka ee hadda kusugan xeebaha Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadanayaan howlahaasi.
Kulan ay dhowaan yeesheen dowladaha ku jira howlgalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda ayay kulankaasi kadib waxay isla meel dhigeen in la sii balaariyo howlaha la dagaalnaka burcad badeeda.
kooxaha burcad badeeda ee ka qowleesta xeebaha Soomaaliya ayaa hadda waxa ay afduub ahaan u heystaan maraakiib iyo shaqaale saaran kuwaasi oo ay ka doonayaan lacgo madax furasho ah oo aad u badan.
Maraakiibta ay gacanta ku hayaan kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa kamid ah maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha ee dalal kale oo reer galbeed ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.