Bartamaha (Kismaayo):-Gudoomiyihii xiligan Ee Maamulka Alshabaab Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa la la’yahay halkii uu aaday markii laga waayay Magaalada uu maamulka u hayay.
Sheekh Xasan Yacquub Cali Gudoomiyihii Alshabaab Kismaayo ayaa la waayay halkii uu jaan iyo Cirib dhigay ka dib markii gaadiidkiisii dagaalka iyo isagiiba ay ka dhaqaaqeen gudahaMagaala Kismaayo.
Wadaadkan oo ka mid ah ragga ugu mintidsan Alshabaab ayaa waxa uu maalmihii la soo dhaafay ku jiho wareersanaa Khilaafka soo kala dhexgalay ninka ay isku reerka yihiin iyo Hogaamiyaha shabaab ugu sareeya.
Wadaadkan ayaa waxa uu marar badan isku dayay in uu qeyb ka qaato kala dhexgalka Abuu Mansuur iyo Axmed Cabdi Godane waxaana uu dhawaanahan joogay Sh/Hosoe isagoo ka mid ahaa raggii ka badbaaday Diyaarad duqeysay guri Godane iyo rag kale ay ku jireen gudaha Magaalada Kismaayo.
Sheekh Xasan Yacquub oo asal ahaan ka soo jeeda Bay iyo Bakool balse Xubin firfircoon ka ahaa Kooxda Alshabaab ee haysatay Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu shalay gabal dhicii isaga oo wata 7-gaari oo nuuca dagaalka ah ka baxay Kismaayo.
Wadaadkan ayaa illaa hadda la la’yahay waxaana dadka Kismaayo ay saaka hadal haayeen bixitaanka Xasan Yacquub oo dadka ay hadal haayaan in uu la midoobayo Sheekh Abuu Mansuur oo la filayo in uu urur cusub sameysto.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.