Bartamaha (Kismaayo):-Maamulka Alshabaab Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Puntland ay wadaan qorshayaal ay ku iibsanayaan dhalinyarada.
Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Puntland ay bilaabeen qorshe ay ku iibsanayaan dadka dhalinyarada ah eek u dhaqan Deegaanadaasi.
Sheekh Xasan afhayeenka Shabaab Kismaayo ayaa intaasi ku daray in Deegaanada aanay shareecada ka shaqeynin dhibaatadaasi ay ka jirto islamarahaantaana Puntland ay Ethiopia xiriir wadaag la noqotay si loo iibsado shacabka.
“Meel walba oo shareecada Islaamka aanay ka shaqeyn dhibaatada wey ka socanaysaa …Puntland wey iibsataa dhalinyarada taasina waa dhibaato waxaanan shacabka ugu baaqeynaa in ay iska dulqaadaan dhibaatadaâ€ayuu yiri afhayeenka.
Hadalka ka soo yeeray Kooxda Shabaab Kismaayo ayaa waxa ay imaanaysaa xilli Magaalooyinka Puntland xaalad kacsanaan ah laga dareemnayo iyo xiisado u muuqda kuwii ka taagnaa Muqdisho.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
SHEEKH SHEYDAANOW SHARECADEE WAAYE MIDDA AAD SHEEGEYSID>>>??? MIDDA CUSUB EE ADIGA AAD WADATIDAA MISE MIDDA UMMADDA SOOMALIYEED EY HOREY U HAYSTEEN WELINA HEYSTAAN>>>???FADLAN KALA SAAR