Bartamaha (Muqdisho):- Maamulka Idaacada GBC iyo Hogaamiyaha Xizbul Islaam ayaa isfaham dhexmaray iyadoo Idaacadaasi qaab beel ahaan loogu wareejiyay Sheekh Xasan Daahir.
Ka dib kulan maanta dhexmaray Hogaamiye Sheekh Xasan Daahir iyo Yuusuf Axmed Geelle oo ehel wadaag ah iyagoo maanta ka wada hadlay masiirka danbe ee Idaacada Codka Nabada GBC.
Idaacadaasi GBC oo shalay ay galeeen ilaalada Sheekh Xasan ayaa waxaa saaks si farsamaysay isku fahmay maamulka Idaacada iyo Hogaamiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheekh Aweys.
Isfahamka oo lagu saleeyay qaab Ehel wadaagnimo ayaa waxaa labada masuul ay yeesheen kulan albaabyada loo xeray oo markii uu dhamaaday ka dib ay saxaafada u sheegeen in Xizbul Islaam lagu wareejiyay Idaacada si nabadeed.
Hogaamiye Xasan daahir ayaa saxaafada u sheegay in Idaacadaasi ay ku shaqeyn doonto magaca Xizbul Islaam islamarkaana ay toos ugu adeegayso shareecada Islaamka sida uu wadaadkaasi sheegay.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Agaasimihii Idaacada GBC Yusuf Geele oo sheegay in maamulkooda ay goosteen in si nabad ah ay Idaacadaasi ugu wareejiyaan Hogaamiye Xasan Daahir.
Idaacada ayuu sheegay agaasimaha in laga dhigay Idaacada Islaamiga ah ee GBC waxaana si caadi ah u shaqeynaya qaar ka mida saxafiyiintii joogay idaacadaasi oo dhammaan aqbalay hadalka maamulkoodii iyo la wareegida Xasan Daahir.
Shalay ayay ahayd markii Ciidan xoog badan ay awood ku galeen Idaacadaasi waxaana ay jirdileen mid ka mida ilaalada idaacada iyagoo amray in lagu soo wareejiyo furayaasha idaacadaasi oo ay qaar ka mida qalabkii kala bexeen wallow xaalada haatan si kale loogu heshiiyay idaacadaasi.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga AFrika.