Sheekh Xasan Daahir Aweys “Waan ka Xunnahay Dagaallada Kasoo Cusboonaaday Gobollada Jubooyinka”

Posted on Nov 23 2009 - 6:07pm by News Desk
Tweet
Pin It

xasan dahir

Bartamaha(Muqdisho):- Masuulka ugu sareeya ee ururka Xizbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta shaaca ka qaaday dareenkiisa ku aadan dagaalada kasoo cusboonaaday gobolka J/hoose..

Sheekh Xasan Daahir Aways oo ah hogaamiyaha ugu sareeya ee Ururka Xisbul Islaam oo  maanta qaar kamid ah saxaafadda goboka banaadir kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha ee Cisileey ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dagaalada ka soconayo galbeedka gobolka j/hoose ee u dhexeeyo xoogaga xarakatu shabaabul mujaahidiin iyo ururka xizbul islaam gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

Sidoo kale waxa uu sheegay in iyaga iyo masuuliyiinta ururka Alshabaab ay isku ogaayeen in la joojiyo Dagaallada ka soconayo Galbeedka magaalada kismaayo islamarkaasina lagu dhameeyo wax walba oo qilaaf ah oo jiro wadahal balse taasi aysan dhicin oo hada ay jiraan dagaallo  markale kasoo cusboonaaday gobollada jubooyinka taasina uu aad uga xunyahay.

Sheekh xasan daahir aweys hogaamiyaha ururka Xizbul islaam waxa uu  sidoo kale ugu baaqay  dhinacyada ku dagaalamaya galbeedka magaalada kismaayo in ay joojiyaan dagaallada islamarkaasina ay ula laabtaan wax walba oo ay isku qilaafsanyihiin kitaabka allekl, isagoo sheegay in ay tahay arin laga xumaado in ay dagaalamaan dad islaam ah.

Sikastaba ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray hogaamiyaha ururka xizbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa kusoo beegmaya xilli xoogaga xarakatu shabaabu mujaahidiin ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Afmadow kadib Dagaal qaraar oo ay la galeen Xoogagii uu horkacayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe). oo Xubin Sare ka ah Ururuka Xizbul Islaam.

 

Kala Soco Warar Xaqiiq Ah www.Bartamaha.com