Sheekh Shariifow: Gacmahaaga haysku Goyn!!!.

Posted on Oct 11 2010 - 5:55am by News Desk
Tweet
Pin It

Shariifka_QalfoofNoloshu waa hardan iyo halgan,  waa hardanoo dagaal iyo dirir ayey ku sumadan tahay, misana waa halganoo waxaa dadaal loogu jiraa soo dhicin hunguri iyo dhuuni, haddaba waa lagama maarmaan inay yeelato seero iyo soohdimo, si aysan u dhicin xadgudub iyo xerotaraar, sidaa iyadoo ah haddana gacan ka hadalku waa joogto, qayladhaanta iyo qabqabsiguna waa lammaanaha dagaalka, mar waa maamul ballaarin iyo madaxtinimo xoojin, marna waa dhaqaale raadin iyo xoolo xarayn, intaba waxaa ka dhasha dhimasho dhaawac iyo dhiillo aa dhammaan!.

Siyaasaddu Aabbe maleh“, sidaa waxaa qoray Abwaan Abdi raxmaan Galayr, qormo xoogaa farriimaha laga dhiibtay ay xag u ciirayeen, barashada siyaasadda in dugsiyo machadyo iyo jaamacado looga soo boxo ka sokow, dad badan oo Soomaali ah ayaan wali rumaysneyn inay xirfad tahay, lagu kala habboon yahay loona kala hanqaltaag badan yahay, qancinta dadkan midda aan u dan leeyahay ma ahan, ee farfiiqaddaa ayaan uga haray, waxaanse doonayaa inaan isku xiro siyaasadda iyo nolosha ama nolosha iyo siyaasadda, midkaad doonto hormariye, hadba waa midda aad xoogga saaraysee.

Siyaasadda Soomaalida sanadihi tagay, waxaa safka hore ugu jiray rag aan sadar ka qaadan karin, aqoonteeda iyo garashadeeda aan lahayn, ay u sii dheer tahay sirqabayaal inay yihiin, sumcad xumada ay dadka ku dhex leeyihiin ka sokow, waxay dadka ku yihiin culays iyo caqabad cunaha u taagan, ararta haddaan intaa uga haro, aan u guda galo qormadan ujeedkeedu yahay iscasilaaddii C/rashiid Sharmarke iyo magacaabista la wada filayo, Anoo diiradda saaraya astaamaha uu yeelan doono, waxa laga filan karo iyo waxa horyaal.

Khilaafkii dhexmaray Sh. Shariif iyo Ina Sharmarke, oo ku soo afjarmay iscasilaaddii Sharmarke, waxaan ku muujiyey qormo hore oo aan ugu magac daray “Tanaasul mise Tatajis!“, siyaasu isku sheegga Soomaalida waxay caado ka dhigteen marka hore inaysan garaadka adeegsan, heer laga gaaro inay xeero iyo fandhaal kala dhacaan, taasoo ka dhigan qof ku dul oynaya barooranaya caano daatay, markii horana Isagu daadshay, mana rumaysna maahmaahda dhahaysa “Caano daatay daba qabadey leeyihiin“, mana ka ahan maahmaahdii Talyaaniga ee ahayd”Caano daatay laguma dul ooyo!”non si biance sull latte versato!”.

Magacaabista laga wada sugayo Sh. Shariif ma ahan mid sahlan, maxaa yeelay wuxuu u dhexeeya dhardhaaro badan, oo dhammaantood doonaya in dherigooda la saaro jikada shidmi doonta, dhardhaaradan waxay isugu jiraan kuwo gudaha ah(beelaha Soomaalida + ururada diinta), iyo awoowadaha dunida, maxaa yeelay waa inay raalli ka wada yihiin Maraykanka Midawga Yurub iyo waliba jaaradda Ethiopia, haddaba ma ahan arrin igu soo bood ah ama igu soo orad ah, haddana ninka xilka dusha u ritay wax walba oo uga yimaada waa inuu u dulqaataa.

Magacaabista ninka soo muuqan doona, ma ahan nin laga filan karo wax sidaa u buuran, waa la is dhihi karaa, indhagashi madow ayuu wax ku eegayaa, ama waxaa ka badiyey xumasaadinta, maxaa yeelay ninkan aan la garanayn ee waliba isu soo ban baxshay inuu dalkan iyo dadkan badbaadsho, miyaa la oran karaa wax lagama filan karo? Waxaan dhihi lahaa yaan mar walba saadaal dilloon dadka lagu sabaalin, milicso sooyalka wax yar, dawladdii C/qasim iyo Cali Galayr xaggee Soomaali dhigtay?, Dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi xaggay ku furtay reerkii? Maamulkii Maxkamadahu maxay Soomaali ku soo biiriyeen? Dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Nuurcadde maxay dadka u qabteen?.

Midda dambe waxaa lala soo boodayaa waxay joojisay dagaal, balse miyaa loo unkay inay dagaal joojiso mise awalba iyadaa hurisay? Yaanan ku durgin qiimaynta tagtada, ee aan u soo laabta taaganta iyo waxa iminka socda, Sh.Shariif ma wuxuu mari doonaa wadadii hore, waxaan uga jeedaa miyuu soo magacaabi doonaa nin la mid ah Ina Sharmarke? waa u dhaqan Siyaasiga Soomaalida inuusan wax badan eegin ama si fican wax u xeerin, malaha waxay jecel yihiin khilaafka iyo muranka, sida dhacday dhici doontana haddaan laga taxadarin, magacaabista waxaa xigaysa xagxagasho iyo xushmad la’aan.

Sh. Shariif Gacmahaaga ha isku goyn, waxaan uga jeedaa ha magacaabin in berri Adiga gacmaha kaa qaban doona ama gacmaha kaa goyn doona, haddii wanaag uu kuu gacan qabanayo ama kuu gacmo goynayo waa midda la weysan yehee waaba heersare, kollay dad badan Adiga ayey wanaag kugu filayeen kaana filayeen, waxaase dadkaa ku dhacay niyad xumo iyo nabar aan laga raysan, kollay qof waadba soo magacaabiye wanaaggaa maalmihii hore lagaa sugayey xasuuso, mayee Anigu kuuma tilmaamayo waxa aad qabanaysee, ee isgaro inaad tahay gurmad,  tallaabada haddaad gaabisana waxaa ka dhalan way ku horyaalliin, ama ka mid noqo kutubo laqayaasha aan kab iyo Kitaab kala aqoon.

Waxaan dhihi lahaa haba la ila yaabe ama la igu dhaliilee, kollay ninka aad magacaabayso ha ahaado qof afgarasho idinka dhexeyso, midda ay rabto ha ahaatee, markaan sidaa leeyahay waxaan ka qanac sanahay inaan wax qabad jirin, haddaas waxaan xoogga saarayaa in khilaafku uusan dhicin ama uu yaraado, micnaha in meel qura loo wada jeedo oon qofna bariyeyn qofna galbeedeyn, ugu yaraan dadka inaad ka dheereyso isqabqabsi maadaama waxqabad uusan jirin, haba ahaado qofka aad magacaabayso qof qandiga kuugu jira, hadduusan Adiga kuugu jirinna kollay qoloo ugu jiraaye!.

Sida cinwaanka qormada ku cadba hawraarta qormadu waxay ku socotaa Sheekha, siday ku gaarayso garan maaye, ujeedka ma ahan in taageero gaar ah la siiyo ama la garab istaago, ee waa inuu gartaa inaan ka daalnay khilaaf iyo muran, sidaa darteed yuusan nagu soo magacaabin mid muran ka hor keenaya, tan gacan goynta waa mid isaga u gaar ah, oo haddii khilaaf dhoco loo wada siman yahay in meesha laga wada boxo, taasoo keeni karta inuu kursigiisa waayo, maadaama uusan raalli ahaan iyo tanasul uga tagayn in la tatajiyo mooyee, si marka uusan kursiga u waayin waa inuu ka baaraan degaa qofka uu soo magacaabayo.

Magacaabistu ka marnaan mayso sida aan soo tilmaamnay beelaysi, maxaa yeelay beel walbaa waxay rabtaa in iyada xilkaa loo magacaabo, taa ka sokow waxaaba jira beelo isa siiyey xilkaa, haddaan iyaga loo magacaabinna ay mucaaradad la soo jeesan doonaan, taasi saw ma ahan xilkasnimo iyo xadgudub muuqada, siday ku dhacday in beeli la soo istaagto xilkaas Inaga ayaa iska leh? Qaladku wuxuu ahaaba in afar iyo ba (4.5) wax lagu qaybsado, balse waxaaba ka sii dartay marka beeli xilgaar ah cayimato, walibana ku gooddiso inay kalsoonida kala laabanayso dawladda, waa beelaysi kii ugu darnaa iyo awood qaybsi kan ugu gurracan!.

Sidoo kale magacaabistan kama marnaan doonto caadis caalami ah, maxaa yeelay ninka la soo magacaabayo waa inuu taageero ka wataa dunida, macnaha waa inuu yahay dabadhilif shisheeye u adeegga, waaba yaabe magacaabista ma Soomaali ayaa loogu danayn mise Shisheeye? Sida ku cad sooyaalka wuxuu u magacaaban yahay dunida, maqaarka muuqaalka iyo magaca ayuu Soomaali ka yahay, mansabka manhajka iyo maamulka dunida ayuu ka yahay, hubaal inaan dunida laga maarmin, balse hadday dunidii noqotay inay iyadu Soomaaliya maamusho waa ayaandarro Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaa nagu batay calooshood u shaqaystayaasha iyo cunntiyada.

Waxaa intaa dheer oo ku soo darsoomay xilligan inuu kugu urur yahay, waxaase iska adag in xilka noocaas ah qaabkaan loo mareeyo, maxaa yeelay waa xil adag lehna baaxaddiisa, marka suuuragal ma ahan in Sheekhu eego wadaadada gararka dhuuban ee gaarka ka joogo ama ay isku xerta yihiin, siyuu ugu magacaabo ama uga dhigo ra’isul wasaare, balse waxay ku beerantay hannaanka siyaasadda Soomaalida maalmahaan dambe, ururaysigu ma ahan xittaa mid saqaf iyo sal leh, balse waxay noqotay in lagu daabo saacado iyo maalmo.

Ugu dambayn sheekhu maalmo badan wuu fekeray madaxana ka shaqaysiiyey, xilka culayskiisa iyo xisaabta la socota darteed, in badan ayuu madaxa kor u qaaday oo indhaha cirka ku fiiqay, isagoo is leh yaad ka dhigtaa? Tolkee ka soo xushaa? Taladee qaadatee? Tabtee u martaa IWM? Magacaabistani yeysan kugu noqon mooradii duugtaada, macnaha yeysan noqon geeridaada siyaasadeed ama ugu yaraan inaad gefto kursigaag, awalba xadiith iyo xadro lama aqrinayne!.

Bashiir M. Xersi

.

F.g: Maqaalkan ma aha mid ka yimid Siyaasada u dagsan Bartamaha Media.