Sheekh Muuse Caraale oo Muqdisho la soo galay hubkii uu ka furtay Sheekh C/raxmaan Mocow gudoomiyihii Maxkamadaha Hiiraan.

Posted on Oct 29 2009 - 3:57pm by News Desk
Tweet
Pin It

caraale bartamahaBartamaha(Muqdisho):-Xoghayaha Gaashaandhiga Xizbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa Muqdisho soo galay isagoo la soo baxsaday hubkii Sheekh C/raxmaan Mocow gudoomiyihi Maxkamadaha Hiiraan.

Sheekh Muuse Cabdi Caraale Xoghayaha Gaashaandhiga Xizbul Islaam oo mudooyinkii la soo dhaafay socdaalo ku marayay Gobolka Hiiraan iyo Ceel-Buur ayaa soo galaya Muqdisho.

Sheekh Muuse Caraale ayaa waxaa la sheegay in uu la soo goostay hub dhawaan uu ka dhigtay Sargaal dhawaan Xizbul Islaam isku soo dhiibay balse aha Gudoomiyihii Maxkamadaha Hiiraan Sheekh C/raxmaan Mocow.

Sargaal ka mida Xizbul Islaam ehel wadaagna ay yihiin Sheekh C/raxmaan Ibraamin Mocow ayaa www.Bartamaha.Com u sheegay in Muuse Caraale uu hubkii laga dhigay Sargaalkaasi reer Hiiraan uu la soo goostay iyadoo aan lugu hishiin.

Xoghayaha Gaashaandhiga Xizbul Islaam Muuse Caraale ayaa xiligii uu Magaalada ku soo dhawaaday Saxafada u sheegay in uu Muqdisho soo galay ka dib markii uu howlgalo lagu guuleystray uu ku tagay laba gobol.

Sargaalkan oo ahaa Taliyihii ugu horeeyay Xizbul Islaam Muqdisho ee dagaalka ku bilabay Amisom iyo Dowlada ayaa waxaa la sheegayaa in uu yahay Sargal si hoose ula shaqeeya Alshabaab oo si weyn ay isku siyaasad u yihiin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.