Sheekh Muuse Caraale iyo Ciidamo uu wato oo gaaray duleedka Balad-Weyne iyo Masuulkaasi oo maanta la xeray.

Posted on Nov 2 2009 - 5:54pm by News Desk
Tweet
Pin It

caraale bartamahaBartamaha(Balad-Weyne):-Ciidamo Xoogan uu wato Xoghayaha dhanka difaacada Xizbul Islaam Sheekh Muuse Caraale ayaa galabta gabal dhicii gaaray Balad-Weyne.

Sheekh Muuse Cabdi Caraale iyo Ciidamadiisa ayaa waxa ay iskaashi ka soo heleen Ciidamo Alshabaab ay uga soo dartay dhanka Buula Burde halkaasi oo maanta ay soo mareen.

Masuulka dhanka Difaacada Xizbul Islaam ka mid ah ayaa waxa uu u dhaqaaqay dhanka Buurta 115.

Warar aan weli bahin ayaa waxa ay sheegayaan in sheikh Muuse Caraale muddo Saacada ah uu ku xernaa Buula Barde halkaasi oo ay iskula dheceen Sagaal Shabaab ah.

Hadda waxaa Magalada banaankeeda wada jooga Koox Alshabaab ka socota iyo Maleeshiyada Xizbul Islaam oo ku daalay dagaaladii Saddexda cisho ay dowlada kula jirtay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia