Sheekh C/raxmaan Mocow oo hubkii laga dhigay iyo Xizbul Islaam oo ka tashanaysa nolosha Masuulkaasi.

Posted on Oct 27 2009 - 8:24am by News Desk
Tweet
Pin It

mocowBartamaha(Balad-weyne):-Gudoomiyihii Maxkamadaha Dowlada ka soo laabtay ee ku biiray Xizbul Islaam oo guud ahaan hubkiisii lala wareegay iyo mustaqbalka nolosha masuulkaasi oo laga tashanayo.

Ururka Xizbul Islaam Balad-Weyne ayaa guud ahaan hubkii ka dhigay Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow oo xilli ahaa gudoomiyihii Maxkamadaha Hiiran balse Xizbul Islaam dhawaan ku soo biiray.

Sheekh C/raxmaan Mocow ayaa waxaa la sheegay in shalay galinkii danbe guud ahaan laga tirsaday wixii hub uu lahaa iyo gaadiidkiisii gaar ahaa taasi oo ka dib uu noqday nin rayid ah.

Saraakiisha ku sugan Gobolka Hiiraan ee Ururka Xizbul Islaam ayaa waxa ay guud ahaan la wareegeen hubkii masuulkaasi iyadoo haatan uu noqday askari aan hub waday oo Xizbul Islaam la jooga.

Warar Madax banaan oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Wadaadkaasi Dacwad lagu soo oogay la xiriirtay in uu ka danbeeyay amarkii lagu dilay wiil dhalinyara ah oo Miino ku qarxiyay Gawaari uu watay masuulkaasi oo horey loogu dilay Balad-Weyne.

Saraakiil sare oo Xizbul Islaam ka tirsan ayaa dalbatay in la qisaaso masuulkaasi maadaama uu dilay wiil dhalinyara ah oo Muqaawamada dalka ka mid ahaa xiligii uu dowlada la shaqeynyay C/raxmaan Mocow.

Wixii ku soo kordha Xaaladaasi kala soco www.Bartamaha.Com.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.