Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta xalay ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu haatan u dhexeeyo Ciidamada Amisom iyo Xoogaga Mujaahidiinta Sida wadaadku sheegay.
Afhayeenka Alshabaab ayaa waxa uu sheegay in ay dib ula wareegeen goobihii shalay Ciidamadooda liyo kuwa amisom ay qabsadeen isagoo sheegay in xeelad dagaal halkaasi ay kaga baxeen.
Sheekh Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu yeeshay weji cusub isla mar’ahaantaana uu haatan ka gudbay kii u dhexeeyay soomaalida dhexdeeda balse haatan uu dagaal noqday mid dhexmaray AMISOM iyo Mujaahidiinta.
“Dagaalka xiligan waa u isbadalay wejigii hore ee murtadiinta iyo mujaahidiinta dagaalkii u dhexeeyay waa uu dhammaaday ,hadda waxaa dagaalka uu u dhexeeyaa Mujahidiinta iyo Calooshood u shaqeystayaasha Amisom,Ciddii horey shakki dagalka uga jiray hadda ha soo dhaqaaqdo dagaalkana waa waajib……â€ayuu yiri Afhayeenka Xarakada Alshabaab Al-mujaahidiin.
Wadaadka Afhayeenka u ah kooxda Alshabaab ayaa waxa uu dhammaan dhalinyarada soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay jihaadka ka qeybg-galaan isla mar’ahaantaana uu haatan yahay mid waajib ah sida uu hadalka u yiri afhayeenka.
Baaqan ka soo yeeray Kooxda Alshabaab ayaa waxa uu imaanayaa ka dib dagaal qaraar oo shalay ka dhacay caasimada Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo iskaashanayay iyo Xoogaga isbahaysiga Ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.