Sheekh Cali Dheere”Alshabaab ganacsato maaha ….Xijaabka Allaah ayaa amray ee anaga ma amrin”

Posted on Nov 8 2009 - 9:03am by News Desk
Tweet
Pin It

sh_cali_dheereBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa si kulul u weerartay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne Shariif kaasi oo ku weeraray Xijaabka iyo qaabka ay Xarakada u amartay.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in aanay iyagu ka ganacsan Xijaabka haweenka dhawaan la faray balse ay muhiim tahay in Gabdhaha Muslimaadka ah ay Xijaabka qaataan.

Sheekh Cali dheere ayaa waxa uu sheegay in Alshabaab aanay marnaba nuuc gaar ah u tilmaamay Haweenka balse ay fareen oo kaliya Xijaabka adag in ay xertaan taasina aanay ganacsi ahayn.

”Alshabaab ganacsato maaha mana amrrin xijab gooni ah oo aan Allaah amrin….Xijaabka Allaah ayaa amray ee anaga ma amrin” ayuu yiri Afhayeenka Xarakada Alshabaab

Afhayeenka Xarakada ALshabaab ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyen Shariif uu ka horyimid dhareecada Islaamka islamarkaana uu Xijaabka ganacsi ku tilmaamay taasi oo uu sheegay in Xisaab uu Illaah la hortagi doono.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.