Bartamaha (Muqdisho):- Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif ayaa si kulul u beeniyay warar sheegaya in uu ka mid yahay gudiga gurmadka Abaaraha ee dowlada samaysay.
Wadaadka Caanka ah ee aadka looga qadariyo gobolada Koonfurta Soomaaliya Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa si kulul uga jawaabay in uu ka mid yahay gudiga gurmadka abaaraha dowlada Soomaaliya u xilsaartay abaaraha.
Sheekh Maxamuud waxa uu sharci daro ku sifeeyay qoraalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo saaray ee magaciisa loogu daray waxaana uu sheegay in aanu isaga gurmad dowlada wado qeyb ka noqonayn taasina aanu raali marnaba ka ahayn.
Sheekh Cariif ayaa cadeeyay in uu dadkiisa u gurmanayo balse aanu dowlada KMG ah hoos tagi doonin isaga oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Farmaajo in uu ka laabto adeegsiga magaciisa oo uu ka dhex arkay liis ka kooban 21-ruux oo loo xilsaaray abaaraha.
Ugu danbayn Wadaadkan ayaa waxa uu shacabka ogaysiiyay in aanu la shaqeynin dowlada KMG ah iyo guud ahaan Hay’adaha gargaarka balse uu yaahay Sheekh dadkiisa doonaya in uu caawiyo maadaama dhibaato badan ay iska jirto.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika