Bartamaha (Galgala):- Hogaamiyaha dagaalka culus kula jira Dowlada Puntland ayaa balan ku qaaday sii wadida dagaalka ka dhanka ah Dowladaasi.
Sheekh Maxamed Siciid Atam Hogaamiyaha Kooxda ku jirta Buuralayda Galgala ayaa daaha ka qaaday in uu sii wadayo dagaalka xooga badan uu kula jiro Ciidanka Dowlad Goboleedkaasi Soomaaliyeed Ee  Puntland.
Sheekh Atam ayaa sheegay in dagaalka ay weli wadaan islamarkaana dhawaan ay la wareegayaan magaalooyin ay ku jirto magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaasi oo dhawaanahan howlgal dhanka ammaanka ah ay ka wadaan.
Wadaadkan dagaalka ka waday Buuralayda oo aan sheegin halka uu joogo ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Ciidanka Puntland ay dhibaata gaarsiiyeen dadka shacabka ah isagoo intaasi ku daray in deegaanka ay gaareen Kooxo ajaanib ah sida saraakiil Maraykan ah.
Sheekh Atam Hogaamiyaha dagaalka la galay Ciidanka Puntland waxa uu ku faanay in aanay jirin wax qasaara ah oo askartooda soo gaaray welina ay joogaan dhulkii lagu dagaalamay iyo meela aan ka dheereen.
Ugu danbayn masuulkaasi Kooxda Hogaamiya waxa uu sheegay in ay laayeen Ciidan badan iyo gawaari dagaal oo uu sheegay in ay ka gubeen Ciidamada Dowlada Puntland oo lahaa masuuliyada weerarkii hadda dhacayay.
Hadal horay uga soo yeeray madaxweynaha Puntland ayaa muujinayay guusha ay gaareen Ciidankiisa iyadoo maanta uu cadeeyay Wadaadka Sheekh Atam ah in laga qabsaday Deegaanka dhaca Buurta Galgala.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika