Sheekh Aadan Modoobe oo Magaaladda Nairobi soo gaaray kadib Kullan uu Adis Ababa kula yeeshay Meles Zanawi.

Posted on Apr 9 2010 - 2:31pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

kulan

Bartamaha (Nairobi):- Gudoomiyaha barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kulan la qaatay raisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Meles Zanawi iyo Sheekh Madoobe ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyadoo Sheekh Aadan Madoobe uu Meles ku amaanay taageerada uu u hayo dowladda Soomaaliya iyadoo kullanka laban mas’uul uu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi.

Meles Zenawi ayaa dhiniciisa ballanqaaday in Ethiopia ay sii adkeyneyso gacanta militari iyo mida siyaasadeed ee ay siiso xukuumada ku meel gaarka, isagoo xusay in Ethiopia ay sidoo kale wadamada gobolka xiriir wanaagsan kula dhaqmeyso.

Socdaalka gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya uu ku marayo dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf u dhexeeyo xubnaha barlamanka dowlada Soomaaliya.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

[email protected]

xafiiska Bartamaha ee Nairobi,Kenya