Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamanka oo lagu Eedeeyay lunsashada Mishaarka Xildhibaanada.

Posted on Jan 21 2010 - 9:45am by News Desk
Tweet
Pin It

baarlamankaaBartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu lunsaday Mishaarka Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Saalax Badbaado oo ka mida Mudanayaasha Baarlamanka ayaa waxa uu sheegay in guddoomiyaha Baarlamanka iyo ragga ku dhow dhow ay go’aansadeen in la cunno mishaarka Xildhibaanada.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in dhammaan Madaxda Baarlamanka ay ka midaysan yihiin in aan gunada xaqa ay u leeyihiin mudan ayaasha la siinin.

Xildhibaan Badbaado ayaa sheegay in ay ogaadeen in la helay dhammaan mishaarkii Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya islamarkaana afka ay u dhigteen rag uu ka xusay Skeekh Aadan Madoobe.

Xildhibaanka ayaa waxa uu si cara xambaarsan u sheegay in dhammaan mudanayaasha ay ku dhibanyihiin Hotelada ay daganyihiin isagoox usay in lacagta ay lahaayeen in qaadanayaan Guddoonka Baarlamanka.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli www.Bartamaha.Com ay horey u heshay xog ku saabsan dhibaatada Mudanayaasha ku haysata Hoteelada ay ka daganyihiin Magaalada iyo mishaar la’aanta haysata.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.