Bartamaha (Muqdisho) Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Soomaaliya ayaa difaacay duqeymaha Ciidamada Amisom ay ka geystayaan Magaalada Muqdisho.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe gudoomiyaha Baarlamanka oo maanta shirjara’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu difaacay xaqqa Ciidamada Amisom ay u leeyihiin in ay Madaafiic isku difaacaan.
Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay in Amisom ay xaq u leedahay in ay jawaab ka bixiso Madaafiicda iyo weerarada gardarada ah ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
“Amisom xaq ayay u leedahay in ay duqeyso meeshii Madfac looga soo rido… Maalin waliba Kooxanah nabada diidan madaafiic ayay shacabka ka soo dhextuuraan in badan ayaa la isku dayay in aan loo jawaabin laakiin waa xaq ina la iska difaaco… Alshabaab ayaa qaadaysa masuuliyada dadka dhintaâ€ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Kooxaha Islaamiyiinya ay nabada diidanyihiin islamarkaan ay dan moodeen dagaal fuleynima ah oo dalka ay ka wadaan.
Ugu danbayntii Masuulkaasi Baarlamanka ugu sareeya ayaa waxa uu ugu baaqay Xukumada in ay la timaado qorshe lagu badbnaadinayo bulshada si dagalada loo soo afmeero.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.