Shariif,Faroole iyo Meles Zenawi oo kulmay.

Posted on Sep 30 2010 - 7:22am by News Desk
Tweet
Pin It

meles somali president1Bartamaha (Adis-Ababa):-Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa kulan gaar ahj ku qaatay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Ethiopia.

Kulanka Saddexda Masuul ayaa waxa ay uiga wada hadleen xaalada dalka soomaaliya iyo dhibaatooyinka hadda ka taagan dalka oo ah abaabulka falalka ammaan darada ah oo ay alshabaab ka wado dalka.

Madaxweyne shariif ayaa waxa uu ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi in uu ka caawiyo dhanka saanada iyo la dagaalanka alshabaab maadaama Ciidanka Ethiopia ay ka baqanayaan kooxahaasi.

Sidoo kale Faroole ayaa dhankiisa ka dalbaday Zenawi in uu garab ku siiyo la dagaalanka Kooxda Sheekh Attam oo aad u caburisay Dowlada Puntland culees xooga ku keentay shaqada Dowladaasi.

Dalabaadka masuuliyiinta iyo Kulanka ay la qaateen Meles Zenawi ayaa waxa uu imaanayaa xilli Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowlada Soomaaliya ay qaati ka joogaan Kooxo Islaamiyiin ah oo dagaalo ba’an ku haya.

Xafiisak www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]