Bartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ee Arimaha Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa saacada ka hor qaatay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Augustine Mahiga oo ah u qeybsanaha arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe.
Danjire Augustine P. Mahiga iyo Madaxweyne Shariif ayaa waxa ay ka qada hadleen dagaaladii ugu danbeeyay ee Dowlada la gashay Mucaaradka iyo sidoo kale magacaabida Xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweynaha ayaa waxa uu Qaramada Midoobe masuulkeeda u gudbiyay fariin dalab ahayd oo ku aadanayd in Dowlada laga gacan siiyo la dagaalanka Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ah oo dagaalo ku haya Dowlada tabarta yar.
Labada Masuul ayaa waxa ay isdhaafsadeen afkaar ku aadan cida u qalanta Xilka Ra’iisul Wasaaraha isagoo madaxweynaha kala tashanayay sidoo kale masuulkan cida mudan xilka banaan ee uu iska casilay Sharma’arke Ra’iisul Wasarihii khilaafka ka dib Kursiga isaga kacay.
Isku soo duub Kulankan ayaa waxa uu qeyb ka ahaa Ujeedada socdaalka deg degta ahaa ee uu madaxweynmha auga soo dhoofay magaalada Muqdisho kuna soo gaaray Magaalada Nairobi oo uu weli ku sugan yahay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika