Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno la socday ayaa gaaray Magaalada Muqdisho xilli xiisada siyaasada ay kacsan tahay.
Warar hadda naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu ku laabtay Muqdisho isaga oo ay la socdeen xildhibaano ka raacay garoonka Magaalada Nairobi si ay socdaalkiisa ugu wehliyaan.
Madaxweynaha waxa uu gaaray garoonka Muqdisho iyada oo aan horay loo sii ogayn socdaalkiisa uu ugu soo laabanayay Muqdisho waxaana uu malain ka hor ka dhoofay Muqdisho isagoo ku sugnaa muddo kooban magaalada Kampala ee dalka Ugandha.
Madaxweynaha ayaa isagoo aan soo dhawayn badan helin gaaray Villa Somalia waxaana uu markiiba kulan la galay masuuliyiin iyo Xildhibaano ku fikir ah oo dhammaan ah kuwa doonaya in xilka laga tuuri Ra’iisul Wasaaraha.
Kulanka uu Madaxweynaha kula jiro Xildhibaano,Wasiiro kooban iyo saraakiil ku dhow dhow madaxweynaha ayaa imaanaya xilli xaalada ay xun tahay islamarkaana maanta dib loo dhigay fadhigii baarlamanka oo laga baqanayay in kalsoonida uu ku waayo Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa la filayaa sidoo kale in ay shiraan madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka waxaana la aaminsan yahay in shariif xasan uu yahay masuulka kaliya ee si toos ah u diidan in xiligan lagu deg dego xil ka qaadista Sharma’arke.
Wixii warar ah ee soo kordha www.bartamaha.com ayaad kala socon karaysa insha allaah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika