Shaqaalihii Idaacada GBC oo diiday ku dhawaaqida Erayga (Murtadiin).

Posted on Sep 23 2010 - 10:36am by News Desk
Tweet
Pin It

IDAACADA-300x192Bartamaha (Muqdisho):- Shaqaalahii Idaacada iyo Telfishinka GBC ayaa shaqada isaga tagay ka dib markii loo yeeriyay Erayo loo jeediyay in ay yiraahdaan xiliga ay wararka aqrinayaan.

Ka dib Kulan uu shalay la yeeshay Shaqaalaha Idaacada GBC  Hogaamiyaha guud ee Xizbul Islaam ahna Agaasimaha Idaacada GBC Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaqaalaha u yeeriyay Erayo ay la yaabeen oo qaarkood ku cuslaaday ku dhawaaqidooda.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u muuqanayay nin Milkiyada Idaacada sida uu ula wareegay ah islamarkaana u hadlayay agaasimaha Idaacadaasi oo kale ayaa shaqaalaha shir la yeeshay.

Xasan Dahir oo si gaar ah Wariyayaasha ula hadlayay ayaa u sheegay in ay Yaqiinta iska saxaan oo ay Islaamka u adeegaan sida uu shirka ka sheegay isagoo u jeediyay in ay u adeegaan Shareecada Islaamka.

Sida uu www.Bartamaha.Com uga sheekeeyay mid ka mida raggii shalay shirka joogay oo magaciisa qariyay waxaa uu inoo xaqiijiyay in Sheekh Xasan uu si gaar ah fariin toos ah ugu jeediyay Laba Gabdhood oo shaqaalaha ka mid ahaa waxa uuna ka Codsaday in shaqadan ay iska daayaan si aan Codkooda loo maqlin.

Wariyahan Bartamaha Media u sheekaynayay waxa uu cadeeyay in loo jeediyay qaadashada duruus gara ah oo malain walba idaacada shaqaalaheeda la siinayo taasi oo ay dheertahay in ay afka kula dagaalamaan Amisom iyo Dowlada.

Sheekh Xasan Daahir ayaa shaqaalaha amray in ay Dowlada ragga ka mid ah ugu byeeraan “Murtadiin” islamarkaana Ciidanka Amisom loo adeegado Erayga ah “Cadowga Gaalada dalka ku soo duulay”.

“Markii Erayadaasi uu sheekh Xasan na dhahayay waan is fiirfiirinaya….ma jirin qof ka jawaabi karay….gabar  ayaa sheekh xasan su’aal ka waydiisay wallow uu ugu jawaabay Islaamka in aad u shaqeyso diyaar ma u tahay? taasi oo keentay in laga wada aamuso ….” Ayuu bartamaha ku yiri wariyahaasi.

Shaqaalaha Idaacada qaarkood oo aan la sheekaysanay ayaa waxa ay dhammaan muujiyeen in aanay cagahooda dhigi doonin Xarunta Idaacada GBC maadaama ay noqotay idaacad koox u adeegaysa.

Shaqaalahan dhammaan ma haystaan Shaqo ay ku gadashaan Xirfadaasi ay muddo ku howlgalayeen balse waxa ay badankood door bideen in ay shaqa la’aan ahaadaan inta ay Koox u adeegi lahaayeen.

Shaqaalahan iska diiday adeegsiga Kalmada “Murtad” iyo u adeegida Xizbul Islaam ayaa dhammaan isaga dhex dhuumanaya dhulka ay magaalada ka daganyihiin waxaana ay ka quusteen shaqada idaacadaasi oo hadda dansan sida wararku nagu soo gaarayaan.

Kala tagida shaqalaaha ayaa waxa ay noqonaysaa fashil ku yimid qorshihii Xasan Daahir ee ku aadanaa in uu helo idaacad afkiisa ku hadasha maadaama alshabaab ay hadda leeyihiin Idaacadaha ugu badan ee afka ku difaacda maadaama wariyayaal badan ay shabaab noqdeen balse aanay jirin wax wariya ah oo Xizbul Islaam ku biiray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].