Shaqaale laga soo afduubtay Degmada Mandhera oo Maanta Luuq lagu sii daayay.

Posted on Oct 3 2009 - 3:42pm by News Desk
Tweet
Pin It

ShaqaaleBartamaha(Luuq):-Kooxo afduub loogu haystay Deegaano ka mida Gobolka Gedo ayaa duhurnimadii maanta la sii daayay.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maanta la sii daayay illaa 3-Shaqaale u shaqeynayay hay’ad Faransiis ah oo horey dablay ay uga soo afduubteen Degmada Mandheera Kenya.

Kooxaha hubaysan ee haystay shaqaalahaasi ajaanibta aha ayaa maanta maamulka Xizbul Islaam ku soo wareejiyay Shaqaalahaasi afduubka loo hyatsya kuwaasi oo in mudda ah ay dablayda gacanta ku haysay.

Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xizbul Islaam balse Maamulka ayaa la xaqiijiyay in ay ka duuliyeen garoon macmal ah oo ku yaala Degmada Luuq halkaasi oo diyuurad yar ay ku soo dagtay.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa horey isaga fogeeyay in ay afduubkaasi ka danbeeyeen Kooxaha Islaamiga ah hase yeeshee Maanta ayaa la arkayay dhalinyaro Islaamiyiinta ka mid ah oo ilaalinaya Shaqaalaha la sii daynayay.

Lama oga shaqaalahasi waxa madax furasho ahaan looga qaadatay wallow bilihii la soo dhaafay wada hadalo sii daynta shaqaalaha ku aadan ay ka socdeen deegaano ka mida Gedo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.