Shantey Shabaab u sheegatee…Sheekh Xasan Daahir waa shahiid.
Sheekh Xasan Daahir: Shalay iyo maanta
Hogaamiyihii XIsbul Islaam Col Xasan Daahir Aweys oo aan ilaa iyo xiligan ka hadlin isbedelka ku yimid kooxaha ku heshiiyay in ay la dagaalamaan dawlada KMG ah iyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa fikirkooda ka hor yimaad, iyadoo aan la oheyn xaalada uu ku suganyahay Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Col-ku wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururki Al-itaxaad oo bud-dhig u ahaa abuurista kooxaha Islaamiyiinta isagoo halganka diimeed kaalin Shabeel ka soo qaatay halka ay kuwa kaalin Libaax ka soo qaatay halgankaa ay ka mid ahaayeen Macalin Xaashi Aadan Ceyrow, Tima jilac, Abuu Mansuur Roobow iyo Ibraahin Afgaan kuwaasi oo ka soo dagaalamay meelo ka baxsan Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir wuxuu kaloo ka qeyb qaatay dagaaladii Al-itaxaad ee Col C/laahi yuusuf ay kula galeen Puntland halkaasoo Itaxaad loogu awood sheegtay kadib markii hab beeleed loo bedelay dagaalka.
Sidoo kale Sheekh Xasan wuxuu ka qeyb galay dagaalkii Luuq ku dhex maray Al-itaxaad iyo Ethiopia oo kaashaneysa saraakiil Soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobalka Gedo kaasoo isna lagu wiiqay Itaxaadka.
Intaa kadib xasan Daahir wuxuu soo dhex galay wadaado kale oo damacsanaa in ay mar uun talada dalka la wareegaan kuwaasoo aakhiritaankii ku bahoobay Maxkamadihii Islaamiga ee hilfaha u qaaday hogaamiye kooxeedyadii ku bahoobay isbaheysigii la dagaalanka Aragagaxisada lana wareegay inta badan taladii gobalada dalka.
Markii ciidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya iyagoo gacan siinayay dawladii Col C/laahi Yuusuf kuwaasoo ku guuleystay in xoogagii maxaakiimta ay xeebaha iyo xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya ay u arxdaan kuwaasoo Shiikhu ka mid ahaa dadkii dalka ka cararay saldhigna ka dhigtay Asmara.
Dhismihii dawlada Sheekh Shariif lagu doortay ee ka koobneyd TFG iyo Isbaheysigii Asmara ayuu Col Xasan Daahir durbaba kaga hor yimid mucaaradnimo qayaxan oo markii ciidamada itoobiya ay baxeen dalka ku soo laabtay isagoo dharaar cad xaafada Xamar Jadiid uga dhawaaqay in lala jihaado dalwlada uu sheekh Shariif hogaamiyo iyo ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
COl Xasan Daahir ayaa Dr Cumar IImaan kala wareegay hogaankii Xisbul Islaam oo markaasi awood balaaran lahaa taasoo keentay in Yuusuf Indhacade iyo saraakiil kale ay ku soo biiraan Dawlada bilowna u noqotay baal tafidii Xisbul Islaam ayku hayeen Xarakada Shabaab iyo Masuuliyiintii dawlada.
Sheekh Xasan iyo Xisbul Islaam waxay soo daala dhacaanba waxay dantu gaarsiisay in ayn laba daran mid doortaan kadib markii Shabaabku waraaqo ku daadiyeen deegaanada ay maamulayeen Xisbiga kuwaasoo ku qornaa Shacab, Shariif ama Shabaab taasoo sheekh Xasan aakhiritaankii gaarsiisay in si tartiib tartiib ah awoodiisii loo wiiqo laguna soo koobo Muqdisho iyo Afgooye inta u dhaxeysa.
Waxayse talo fara ka baxday markii si toos ah loogala wareegay hubkii iyo ciidamadii Xisbiga lana dul dhigay qodobo ay ka mid yihiin inuu yeesho 5-wiil oo istaaf ah sidoo kalena uu xakameeyo dhaqdhaqaaqiisa iyo ka hadalka warbaahinta isla markaana uu soo war geliyo hogaanka Shabaab wixii intaas dhaafsiisan ee la soo dersa.
Gabagabadii halgankii dheeraa ee uu soo galay Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ku soo biyo shubtay in sharafta ay ka qaadaan Shabaab dhalinyaro ah oo aan ogeyn halgankii odaga uu soo maray taasoo dadka ay kla bixiyeen aragtiyo kala duwan o isugu imaanaya Shiribkan.
4-Walxaato shiin ku taal….. Sheekh Xasan waa u sharaf beel.
1-Shan wiil la jooge shibanaaw….. Sheekh Xasan waa u Sharaf beel.
2-Sheybaa tahee Shuko lahow….. Sheekh Xasan waa u sharaf beel.
3-Shan beri shixnadaada keen ….. Sheekh Xasan waa u sharaf beel.
4-Shariifka diide raac Shabaab…… Sheekh Xasan waa u sharaf beel.
Shantey Shabaab u sheegatee
Sheekh Xasan Daahir waa shahiid.
W/D: Maxamed Xasan Jeeri
Email:
asalaamu calykum to the msulims
war nimanyahow waxaad tihiin niman waalan
ilaah uga cabsada
waxaad u soodhigateen in aad dadka aflagaada