Shacabka Muqdisho oo walaac ka muujiyay Waraaqaha loogu digay Isbitaalka Madiina Muqdisho.

Posted on Oct 8 2009 - 8:33am by News Desk
Tweet
Pin It

muqdisho curuboBartamaha(Muqdisho):-Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujiyay waraaqo cabsi galin ah oo shalay loogu digay shaqaalaha iyo Madaxda Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa si isku mid ah qalqal ka muujiyay waraaqaha digniinta ah oo shalay kooxo aan la aqoonsan ay ugu daadyeen hareeraha Isbitaalka Madiina Muqdisho warqaaqo ay Bastoolad ku sawirnayd taasi oo loogu digayay howlwadeenada Caafimaadka Madiina Hospital.

Hadal haynta ugu badan maanta suuqyada Magalada Muqdisho ayaa ah waraaqihii shalay ay daadyeen koox aan la garan taasi oo ay shacabka iska weydiinayaan sababta goob caafimaad loogu digayo.

Afkaarta Bulshada gawaarida saran iyo kuwa suuqyada ku sugan ayaa badankood waxa ay ku qotomiyeen in wax laga xumaado ay tahay waraaqaha maadaama Isbitaalkaasi Madiina uu yahay midka 1-aad ee dhaawacyada ugu bdan la garsiiyo.

Lama oga ujeedada Kooxda digniinta bixisay ay Isbitaalka ka leedahay maadaama uu yahay goob ka dhexeeya dhammaan qofkii dhaawac ah ama Bukaan ah si loo Caawiyo taasi oo bulshada ay isweydiinayaan “Dhaawcu ma siyaasad buu ku xiranyahay …Gargaarka noolahana ma banana miyaa???!!!”.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.