Bartamaha (Kismaayo):- Alshabaab ayaa saaka Lidka diyaaradaha u adeegsaday diyaarado nuuca dagaalka oo saacada badan haystay Hawada Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hosoe.
Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose ayaa saaka looga soo toosay cabsi xoogan ka dib markii ku dhawaad 10-Diyuuradood lagu arkay Hawada Magaaladaasi Kismaayo kuwaasi oo dhammaan joog hoose ku duulayay.
Diyaaradahan oo ahaa kuwa dagaalka ayaa waxa ay ku dul meeraysanayeen Hawada Kismaayo waxaana guud ahaan dadka ay bilaabeen in ay isaga cararaan magaaladaasi goobaha u dhow saldhigyada Maleeshiyaadka Shabaab.
Diyaaradahan oo qaarkood ay ahaayeen kuwa Helicopters-ka ayaa waxaa sidoo kale ku jiray qar loo malaynayo in ay yihiin Miigag iyo AC.130 kuwaasi oo marba qeyb uga baxayay hawada Magaalada Kismaayo.
Dhammaan dadka dagan Kismaayo ayaa waxaa la soo dersay baqdin xoog badan ka dib markii diyaaradahan dagaalka ay joog hoose ku duulayeen iyagoo dhawaq xoog badan samaynayay inta ay hawada ku heehaabayeen.
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa waxa ay bilaabeen in ay Hubka lidka diyuuradaha iyo qoryaha boobayaasha ah ay ku ridaan hawada Kismaayo iyagoo doonayay in mar uun hawada ay ka baxaan Diyaaradahan dagaalka.
Cabsida dadka dareemayeen ayaa waxa ay ahayd in diyuuradaha ay duqeyn gaystaan waxaana guud ahaan Magaalada ka taagnaa xaalad jahawareer ah intii ay diyaaradahaasi dagaalka Hawada Kismaayo haysteen.
Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee diyuuradahan maanta u soo beegsadeen Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose oo aan horay loogu arkin tira sidan u badan oo diyuurado dagaal ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.