Shabaab oo xalay dad ka qabqabtay Balad-xaawo.

Posted on Nov 9 2010 - 9:59am by News Desk
Tweet
Pin It

Al ShabaabBartamaha (B/Xaawo):- Kooxda Alshabaab ayaa Xalay dad rayid ah ka qabqabatay gudaha Degmada B/Xaawo Ee Gobnolka Gedo.

Howlgal aan la garan waxa uu ku salaysan yahay oo Ciidanka Alshabaab Xalay ka sameeyeen gudaha Degmada Baladxaawo ayaa waxaa lagu qabtay dad shacab ah oo deegaanka daganaa.

Dadka Xalay guryaha lagala baxay ayaa gaaraya ku dhawaad 10-ruux oo dhammaan ay alshabaab qabqabteen iyadoo aan la garanayn halkii ay la aadeen Kooxda Alshabaab oo dadkaasi qabsatay.

Dadka lagala baxay guryahooda ayaa waxaa ka mid ah Nabadoon caan ah oo degmada Balad-xaawo laga yaqaano kaasi oo ka mida dadkii Xalay la qabtay islamarkaana aan la ogayn halkii lala aaday.

Howlgalka ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu danbeeyay magaalada laga baadi goobayay dadkii xiriirada la sameeyay xiligii Ciidankii Dowlada ay ku sugnaayeen Degmada Baladxaawo Ee Gobolkaasi Gedo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].