Shabaab oo ka tashanaysa Khilaaf dhexdeeda soo galay (War xasaasi ah).

Posted on Sep 26 2010 - 10:46am by News Desk
Tweet
Pin It

22359_1109341233641_1830157278_217964_2280950_nBartamaha (Marka):-Alshabaab ayaa kulan gaar ah ka leh Khilaafaad xoog badan oo dhawaanahanb ku soo noqnoqday madaxda sare dhexdooda.

Saan saanta abaabulka kulamo salka ku haya Xalinta Khilaafaadka alshabaab dhexdooda ah ayaa ka socanaya magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose.

Ammaanka guud ee Xarunta Maamulka Shabaab Marka iyo meelo ku dhow dhow Hoteelo ay dagaan madaxda alshabaab ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo la filayo in kulamo ay ku yeeshaan Xarkada Shabaab Al Mujaahidiin.

Alshabaab ayaa kulanka ay yeelanayso waxa uu ku salaysan yahay xalinta Khilaaf u dhexeeya Madaxda sare ee Ururkaasi Alshabaab.

Waxaa magaalada Marka lagu arkay rag ajaanib ah oo Cadaan u badan iyo gawaari dagaal oo xoog badan oo ka timid dhanka Muqdisho iyo dhulka Howdka ah ee Jubooyinka sida uu si hoose inoogu sheegay nin ku sugan Marka oo magaciisa qariyay.

Saan saanta kulanka la agaasimayo iyo qorshaha madaxda Alshabaab ayaa waxaa sidoo kale laga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyadoo la waayay Sheekh Fu’aad Shangole oo ah nin aan looga maarmin kulamadaasi oo kale kaasi oo joojiyay duruus uu ka aqrin jiray masjid Bakaaraha ku yaala.

Khilaafaadkii mudooyinkii u danbeeyay soo ifbaxayay ayaa ahaa markii ay is qabteen Axmed Cabdi Godane oo ah Hogaamiyaha Shabaab iyo ku xigeenkiisa Labaad Sheekh Mukhtaar Roobow ABuu Mansuur oo ah nin taagera badan ku haysta maleeshiyaadka shabaab dhexdooda.

Sidoo kale Khilaafaadka ayaa waxaa qeyb ka ah Sheekh Xasan Turki oo ahaa hogaamiye dhawaan shabaab ku soo biiray oo ay is qabteen Madaxa Tashkiilka iyo Dacwooyinka Fu’aad Shangole oo riddo ku tilmaamay dhammaan Kooxdii Raaskambiini ee shaqada ka fariistay markii shabaab uu Hogaankooda ku biiray.

Isku soo duub kooxdan ayaa waxa ay ka koobantahay Soomaali iyo ajaanib shisheeye oo dusha kala socanaya waxaana la filayaa in ay kulan ay yeeshaan si ay dhexdooda u xaliyaan.

Wixii warar qarsoodi ah ee arintaasi aanu ka helno insha allaah waxaad kala socon kartaan www.Bartamaha.Com oo u taagan soo bandhigida xaqiiqda dhabta ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga  Afrika