Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa saaka weerar xoog badan ku qaaday dhammaan aagaga ay ka joogtay ee Woqooyiga Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa waxaa saaka loo adeegsanayay maleeshiyaadkii isku soo dhiibay shabaabka ee ahaa Xizbul Islaam kuwaasi oo si toos ah saaka weerarka gacan xoog badan uga gaystay iyagoo mar qura weerar ku qaaday aagaga Ciidanka Dowlada iyo Amisom ay ka joogaan xaafadaha Degmooyinka Wardhiigley,Boondheere,Shibis iyo Degmada C.Casiis.
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday ka dib salaadii subax ee saaka isagoo socanayay illaa barqanimadii xiligaasi oo ay istaagtay rasaasta wallow ka dib la maqlayay madaafiic xoog badan oo ciidanka amisom ku garaacayeen dhulkii weerarka ay ka soo qaadeen maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab.
Maleeshiyada la dagaal galiyay maanta ayaa waxa ay ahaayeen qaar ka mida Xizbul Islaam gaar ahaan askar uu hadda hogaan u ahaa Maxamed Caruus afhayeenkii dhanka dagaalada kooxda Xizbul Islaam oo dagaalka markii uu dhamaaday ka dib saxaafada u sheegay in alshabaab ay masuul ka ahaayeen weerarka maanta.
Dagaalka waxaa ku nafwaayay 5-ruux oo rayid ah halka 7-kale ay ku dhaawacmeen iyadoo aan la ogayn qasaaraha gaaray Islaamiyiinta shabaab iyo Ciidanka la dagaalamay ee amisom iyo dowlada oo dhulkii ay ku dagaalameen aan laga helin wax faahfaahin buuxda ah.
Dagaal galinta maleeshiyada xizbul islaam ee shabaabka isku dhiibtay ayaa qeyb ka ah qorshe alshabaab ay waday oo ay ku muujinaysay in awooda islaamiyiinta ay dhamaystiran tahay markii magac kaliya ay wada qaateen wallow ay jiraan qaar ka mida maleeshiyadii xizbiga oo hubkii laga dhigay dhaqan celina lagu samaynayo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.