Bartamaha(muqdisho):-Sargaal Sare oo ka tirsanaa Kooxda Xizbul Islaam ayaa Xalay lagu qaarijiyay gudaha Suqa Bakaaraha halkaasi oo maanta Xiisad laga dareemayo.
Sargaalka la dilay ayaa waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqiin Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxmaed Cadow oo loo yaqiin “Abuu-Seyf†kaasi oo Suuqa Bakaaraha ay ku dileen Bistooladley.
Raga dilka geystay ayaa waxaa la sheegay in ay si dirqi ah u baxsadeen markii ilaalada Sargaalka la dilay ay rasaas ku fureen islamarkaana ay ku dhex ceysrsadeen gudaha Suuqa Bakaaraha.
Xiisad ayaa laga dareemayaa gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoo ay gaaf wareegayaan Ciidamo Xizbul Islaam ka tirsan oo baadi goobaya Kooxda ay ku tuhunsanyihiin dilka Sargaalka Xizbul Islaam ka mid ahaa.
Saraakiisha Xizbul Islaam ayaanan ka hadlin dilka sargaalkaasi oo la sheegay in maanta ay aasayaan islamarkaana  aan la ogayn waxa xigi doona Dilka Sargaalkaasi Xizbul islaam ka mid ahaa iyado horey loo dilay Saraakiil Xizbul Islaam ka tirsanayd oo uu ugu danbeeyay Daalibaan oo Ceelasha Biyaha lagu dilay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.