Bartamaha(Tiyeeglow):-Kooxo indhaha soo xertay ayaa xalay dilay Sargaal Xizbul Islaam ka tirsanaa afaafka hore Masjid ku yaala Degmada Tiyeeglow.
Cali Aadan Xasan oo ahaa Taliye Xigeenkii Xizbul Islaam Tiyeeglow ayaa xalay koox wejiyada soo duubatay ay ku toogteen banaanka Masjid uu Salaada Cishaha ku soo dukaday Deegaanka Tiyeeglow.
Deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa isla jooga Alshabaab iyo Xizbul Islaam maamulka isku qabsaday kuwaasi oo xal qaab beeleed lopga gaaray.
Sargaalka la dilay ayaa waxa uu ahaa nin aad uga dhexmuuqday Maamulka Xizbul Islaam wallow aan la ogayn waxa ay dhalin karto dilkaasi.
Sida wararka ay nugu soo gaarayaan Xiisad ayaa ka taagan Tiyeeglow iyadoo ay kala dhuumasho bilaabeen Alshabaab iyo Xizbul Islaam madaama sargaal xalay la khaarijiyay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.