Sargaal Shabaab ah oo Kismaayo kala goostay 70-Kun oo Doolar .

Posted on Oct 7 2010 - 10:22am by News Desk
Tweet
Pin It

slh2Bartamaha (Kismaayo):- Sargaal sare oo ahaa khasnajigii Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa ka goostay Alshabaab ka dib markii uu jabsaday qasnadii Gobolka Jubada Hoose.

Sida Bartamaha Media ay u sheegeen saraakiil hadda joogta Kismaayo waxaa xalay baxsaday Sheekh Cali Bashir C.Nuur oo ahaa Madaxii Maaliyada Alshabaab Jubooyinka kaasi oo lacag culus la goostay.

khasnajigii Gobolka Jubooyinka maamulka ka dhisnaa Ee Alshabaab ayaa xalay la goostay aduun lacageed oo dhan 70-Kun oo Doolar oo maalmihii u danbeeyay la aruurinayay.

Ninkan goostay ayaa waxa uu lacagtaasi xalay kala baxay Khasnada uu furaheeda hayay ee Magaalada Kismaayo isagoo aan la ogayn halkii uu la aaday dhaqaalahaasi Culus oo uu ka jabsaday Magaalada Kismaayo Maamulkeedii Shabaab.

Khasjaniga ayaa waxa uu shalay dhan ku mashquulsanaa Canshuurida Dakada Kismaayo oo uu shalay ku xoo xeratay doon  iyadoo Howl Culus ay shalay ka bilaabatay dakadaasi markii bad xereenkii uu idlaaday.

Lacagta ugu badan ayaa la sheegayaa in Ninkan uu shalay helay markii gaari walba oo dakada galayay iyo Doon ganacsi oo shalay dajin lagu hayay badeecad saarnayd oo shalay ku soo xeratay Dakada Kismaayo oo muddo u xernayd badda oo kacsanayd.

Magaalada oo dhan ayaa Cidian lagu soo fasaxay xalay waxaana la waayay oo laga quustay sargaalkii Shabaabka ahaa ee maaliyada Magaalada Kismaayo gacanta ku hayay kaasi oo lacag dhan 70-Kun oo Doolar la baxsaday.

Baxsashada ninkan iyo dhaqaalaha uu ka qaatay Maamulka Kismaayo ayaa la aaminsan yahay in sababteeda ay ahayd markii dhawaanahan ay soo badanayeen Khilaafaadka xagga maamulka ah oo hogaanka sare Ee Shabaab soo kala dhex galay.

Wixii faahfaahin dheeri ah Bartamaha .Com ayaad ka heli doontaa Insha Allaah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].