Sargaal mar ka tirsanaa Maamulkii Maxkamadaha oo Maanta Balad-Weyne lagu dilay.

Posted on Dec 22 2009 - 11:45am by News Desk
Tweet
Pin It

balad-weyne2Bartamaha(Balad-Weyne):-Kooxo bastoolado wadatay ayaa maanta toogasho bareer ah u geysatay sargaal xilli ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga Gobolkaasi Hiiraan.

Ragga Wijiyada soo duubtay oo dilka geysanayay ayaa waxa ay soo raad raaceen ninkan ay maanta dileen xilli uu ku sii jeeday xarunta Hay’ada WFP oo haatan uu dhanka ammaanka kala shaqeynayay.

Cali Faarax Cameey (Cali Afweyne) oo ah ninka ay kooxaha dadka dila ay dileen ayaa waxa uu madaxa ammaanka xiligan ka ahaa Xarunta Hay’adah WFP wallow uu xilli ka dhex muuqday maamulkii meesha ka baxay ee Maxkamadaha Hiiraan.

Lam yaqaan sababta loo dilay ninkan maadaama uu shaqadii hore isaga weekday oo aanu la shaqeynaynin dhanka Dowlada oo inta badan ay dilaan kooxo aan raadkooda la garan balse lala xiriiriyo Islaamiyiinta Mucaaradka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.