Sargaal ka tirsan Xizbul Islaam oo xalay lagu toogtay Magaalada Balad-Weyne.

Posted on Oct 3 2009 - 9:32am by News Desk
Tweet
Pin It

baldweynBartamaha(Balad-Weyne):-Galbeedka Magaalada Balad-Weyne ayaa la xaqiijiyay in koox hubaysan ay xalay ku dileen Sargaal ka tirsan Xizbul Islaam kaasi oo dhawaan ka soo baxay Maamulka Dowlada.

Koox hubaysan ayaa la sheegay in ay wejiga soo xerteen ka dibna rasaas ku fureen Sargaalkaasi xilli uu ku sugnaa Xaafada Howl-Wadaag Galbeedka Magalaadasi Balad-Weyne.

Sheekh Aadan C/salaan Cabdi oo ahaa Madaxii Arimaha Bulshada Xizbul Islaam ayaa la soo sheegayaa in ay ragan hubaysan dileen xilli uu afaafka hore ee gurigiisa uu ku sugnaa .

Dilka Sargaalkan ayaanan la ogayn sababta ka danbaysay iyadoo raga dablayda ah ay si bareer ah dilka Masuulkaasi u gesyteen ka dibna ay ka dhaqaaqeen goobta falkaasi uu ka dhacay.

Lama oga sababta dilka ka danbeysa iyadoo Galbeedka Magaalada ay ku xooganyihiin Ciidamada Alshabaab kuwaasi oo shalay doonayay in ay muujiyaan gacan ku haynta Magaalada qeybteeda Galbeed.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.