Sargaal Islaamiyiinta ku afduubeen Duleedka Muqdisho.

Posted on Jul 18 2010 - 4:09pm by News Desk
Tweet
Pin It

shBartamaha (Muqdisho):-Sargaal ka tirsanaa Kooxda Miina baarayaasha Soomaaliyeed ayaa maanta lagu afduubtay deegaanka KM.13 oo ay ka taliso Kooxda Alshabaab.

Siciid Macali Bashiir oo ahaa Wakiilka Degmada Afgooye Ee hay’ada Mino-Action oo qaabilsan howlaha Miina saarida Wadooyinka Dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu afduubay KM.13.

Sargaalkan ayaa ka ambabaxay Muqdisho iyadoo gaari ay kala dageen Maleeshiyada Shabaab oo si gaar ah u baara gaadiidka maraya wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ragga la dagay Ninkan qaabilsanaa Howlaha Miina saarida ayaa la sheegay in ay shabaab ahaayeen iyagoo Indhaha ka xeray ka dibna la dhaqaaqay ninkaasi ka mid ahaa  hay’ada Miina Baarista.

Ninkan la qafaashay ayaa marar kooban tagi jiray dhulka ay islaamiyiinta Maamulaan wallow uu qaabilsanaa degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoos eoo ay maamusho Koxda tabarta yar ee Xizbul Islaam.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afria.