Sargaal Alshabaab ka tirsan oo Afgooye lagu xeray iyo Cabsi ka taagan Ceelasha Biyaha.

Posted on Oct 27 2009 - 8:13am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Afgooye):-Sargaal ka tirsan Xarakada ALshabaab ayaa xabsiga Afgooye la dhigay ka dib markii laga shakiyay taasi oo Xiisad xoogan dhalisay.

Sargaalkan la xeray ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Abuu-Usaama kaasi oo laga xeray xaafad ku taala Afgooye xilli uu doonayay in uu gaari ka raabo Boosteejada Degmadasi.

Koox Xizbul Islaam ka tirsan ayaa isku weer ka qabatay sargaalkaasi oo ay ka qaadeen Bastoolad uu watay ka dibna ay xabsiga u dhaadhiciyeen.

Abuu-Usaama sagraalka magaciisa lagu sheegay ayaa inta badan gaadiid dagaal wadan jiray wallow saaka la qabtay isagoo dhex lugeynaya Afgooye taasi oo shaki abuurtay .

Deegaanka Ceelasha Biyaha oo deegaan ahaan uu sargalkaasi u dagana ayaa xiisad laga dareemayaa iyadoo maleeshiyada uu taliyaha u ahaa ay bilabeen in  ay baadi goob u galaan saraakiisha Xizbul Islaam.

Wadada Ceelasha Biyaha ayaa waxaa la sheegay in ay gawaari dagaal ku marayaan Ciidamada uu taliyaha u ahaa Sargaalka la qabsaday iyadoo gawaarida baaritaan lagu hayo dhanka KM.13.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.