Bartamaha(Muqdisho):-Ka dib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya ay barqanimadii maanta afduub u geysteen laba sargaal oo u dhashay dalka Faransiiska kuwaasi oo daganaa hotelka Saxafi Ee Muqdisho ayaa gabal dhicii caawa waxaa la xaqiijiyay in raggaasi loo gacan galiyay Kooxda Xizbul Islaam.
Warar lagu kalsoonyahay oo caawa soo gaaray Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Ee www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in Ciidamada dowlada ay ka danbeeyee afduubkii maanta loo geystay saraakiisha ajaaniba ah oo u dhashay dalka Faransiiska kuwaasi oo maalamahan si dhuumaalaysiga ah u joogay Magaalada Muqdisho.
Ciidamadaasi ayaa la sheegayaa in ay raga ay soo afduubteen ay la gaareen xaafadaha hoose ee degmada Hodon gaar ahaan deegaanka Taleex ka dib wada hadal iyo xiriira toos ah ka dib waxaa la xaqiijiyay in raga Faransiiska ah loo gacangaliyay Saraakiil ka mida Xizbul Islaam .
Saraakiisha Faransiiska ah ayaa la sheegayaa in baaritaano lagu sameynayo ujeedadii ay Soomaaliya u soo galen iyadoo la xaqiijiyay in ay jiraan shirar ay yeelanayaan Xoogaga Xizbul Islaam iyo Xarakada Alshabaab taasi oo loga arinsanayo cidda haynaysa raggaasi.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dhanka dowlada Fd soomaaliya ay dhacdadaasi u xertay Ciidamo aad u fara badan kuwaasi oo lagu tuhmay in ay falkaasi gacan ka geysteen.
Muran balaan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweyne Shariif iyo Saraakiisha Ciidamada gaara ahaan taliska Booliiska iyo kan Militariga iyo Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan oo ammaanka isgoyska KM4 gacanta ku haya isla mar’ahaanataana illaa haatan uu murankaasi taaganyahay.
Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ragga afduubka geystay ay ahaayeen ilaalada wasiirka Arimaha gudaha C/qaadir Cali Cumar kuwaasi haatan si xeeladaysan u gacan galiyay ragga faransiiska ah Ciidamada Xoogaga Dowlada ka soo hor’jeeda.
Dhanka kale waxaa la sheegayaa in afduubayaasha ay si xuriyad leh ay iskugu dhiibeen dhanka Xoogaga Xizbul Islaam isla mar’ahaanataana ay wateen xiliga ay kooxdaasi galayeen laba gaari oo la sheegayo in ay lahaayeen Maxkamadaha dowlada raacsan.
Dhacadadan ayaa sabab ka dhigtay in dhinacyo fara badan ay iskula dhacaan afduubka labadan sargaal Ee Faransiiska ah iyadoo ay ugu darantahay qaabka labada nin loogu gacangaliyay Islaamiyiinta Mucaaradka xilli dhammaan deegaanka laga afduubay ay jogaan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyadoo ay dhabar jab ku noqoneyso siyaasada dowlada Fd Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.