saraakiisha dawladda kiinya ee laga mamnuucayo mareykanka oo sii kordhaya

Posted on Jan 12 2010 - 7:24pm by News Desk
Tweet
Pin It

police_commissioner_Alimichael-ranneberger
Taliyihii hore ee boolisska kiinya gaashanle sare Maxamed Xuseen Cali ayaa loo diidey islamarkaana laga mamnuucay inuu booqasho ku tago magaalada los angeles gobalka California ee Dalka Mareykanka, Sida ay xaqiijisay safaarada mareykanka ay ku leeyihiin magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kiinya.

safiirka dalka mareykanka ee kiinya Michael Ranneberger oo xaqiijiyay arintani ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeriya ka bixiyo arintani kadib markii ay saxafiyiintu isku dayeen iney safiirka weydiiyaan inuu tafaasiil dheeriya ka bixiyo shirkii jaraaid ee arintani lagu shaaciyay.

si toosa loogama wada hadlin arinta dal ku galka’ ayuu safiirku sheegay isagoo intaasi raaciyay in kiiskani dib loo eegayo islamarkaana aysan muhiim ahayn in arintani laga hor dhaco.

ergaygan ayaa ka gaabsaday inuu ka warbixiyo in taliyihii hore ee booliiska dalka kiinya Gaashaanle Maxamed xuseen cali inuu kamid yahay 15 sargaal oo kiinyaan ah oo ay horay safaaradda mareykanka u shaacisay iney ka mamnuucday iney siiso fiisooyin ay ugu baqoolaan dalka mareykanka kadib markii lagu eedeeyay iney carqalad ku yihiin qorshayaasha isbadal ee la doonayo in kiinya laga hirgaliyo.

major cali oo haatan ah masuulka ugu sareeya ee boostada kiinya horayna u heysan jirey booliska dalkan kiinya ayaa la shaaciyay inuu halkaasi ugu socday booqasho la xiriirta shaqadaiisa, iyadoona ilaa iyo hada dawlada kiinya aysan ka hadlin arintani.

si kastaba ha ahaatee arintan ayaa ku soo beegmaysaa saaxeer ilaaliyaha guud ee dalka kiinya Amos Wako ayaa kol hore la xaqiijiyay in safaarada mareykanka ay soo gaarsiisay mamnuucid ku aadan in safaaradda mareykanku aysan u ogolaaneyn dalku gal iyadoo ku eedaysay inuu xeer ilaaliyuhu uu ka gaabiyay amaba uu hor istaagay isbadalada la doonayo in kiinya laga yagleelo.

si kastaba ha ahaatee safiirka mareykanka rannneberger ayaa amaanay isbadalada dawlada ay wado ee ku aadan isabadalada la doonayo in hirgaliyo isagoo tusaale u soo qaatay daalada gudiga dib u eegida dastuurka ee soo bandhigay dastuurka si loogu qaado fatida dadweynaha bilaha fooda inagu soo haya, isagoo dhinaca kalana tilmaamay isabadalada ay masuulyiinta dawladu ku doonayaan sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii booliiska dalka kiinya oo waayadn dambe eedaymo xoogleh loo soo jeediyo.

dhinaca kale safiirka ayaa muujiyay sida dawlada kiinya ay uga gaabisay la dagaalanka musqmaasuqa iyo sidii loo ciqaabi lahaa canaasiirtii ka dambeysay qalalaasihii kenya ka dhashay doorasshdii kiinya ka dhacday bishii dec 2007.

ranneberger ayaa xukuumadda nairobi waxa uu ku booriyay iney xooga saarto sidii cadaalada loo hor keeni lahaa dadkii ka dambeeyay qalalaasihii kiinya ka dhacay dabayaaqadii 2007 iyo bilawgii 2008 isagoo kadigay in hadii aanan arintaasi wax laga qaban ay suuro gal tahay iney dib dalka ugu soo noqoto doorashooyinka mustaqbalka.

waxaa sidoo kale xusid mudan iney kiinya weli la daalaa dhacayso qaabkii ay sidii ay u hirgalin lahayd maxakamad daakhili ah oo la soo taago dadka looga shakisan yahay iney ku lug lahaayeen dhibaatadii dalka ka dhacday 2007/2008 iyadoo labo jeer y golaha sharci dejintu ku guul daraysteen iney meel mariyaan sharcigaasi.

safiirka waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in xukuumadiisa ay u dirtey magaalada washigton wufuud kiinyana oo isugu jira ururada bulshada iyo sidoo kale hogaamiyayaasha dhalinyarada si u gaaraan magaalada washington oo ay kulan ula qaataan golaha congreska dala mareykanka, wasaarada arimaha dibedda iyo aqalka cad si ay uga soo baaran degaan hanaan cusub oo lagu maareeyo sidoo loo sugi lahaa isbadalada la doonayo, waxa uuna intaasi ku daray in ay muhiim tahay in dhalinyarada iyo ururada bulshada ay door muhiim ah ka qaataan sidii dawladda cadaadis loogu saari lahaa iney fuliso isbadalada laga doonayo.

safiirka mareykanka ayaa sidoo kale fursaddan uga faaideystay inuu shaaciyo in aduun dhan 15milyan oo shilinka kiinya ah ay dawladiisu ugu deeqday hayada bisha cas si ay ugu gargaarto dadka ay fatahaaduhu aafeeyeen.

wararka ayaa sheegaya in daadakani ay galaafteen dad gaaraya 30 ruux halka 30 kun oo kalana ay barakiciyeen.

Abdiqafar Ahmed Shire.

Wakiilka bartamaha bariga Afrika.