Bartamaha(Muqdisho):-Maxkamadaha Islaamka garabka Taabacsan Dowlada Fd Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada mUqdisho uu ahaa mid hordhac ah isla mar’ahaantaana lagu ogaanayay awooda Kooxaha Mucaaradka.
C/risaaq Maxamed Qaylow oo ah ku simaha Afhayeenka Maxkamadaha Dowlada raacsan ayaa waxa uu sheegay maanta in dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho gaar ahaa kii ugu danbeeyay uu ahaa mid tijaaba ah .
Qeylow ayaa sheegay in ay ogadeen awooda Xoogaga Xizbul Islaam Xarakada Alshabaab isagoo sheegay in haatan iyo wixii ka danbeeya awooda Kooxahaasi ay ogaadeen isla mar’ahaantaana dalka kala wareegi doonaan.
Ku simaha Afahayeenka Maxkamadaha Islaamka ee dowlada ku biiray ayaa waxa uu ku faanay in ay dagaalada inta badan ay Ciidamadooda ka qeybgalayeen isla mar’ahaanataana ay sii wadi doonaan dagaalada ay uga horjeedaa kooxahaasi.
C/risaaq Qeylow ayaa si kulul waxa uu u weeraray dhaqamada qaar ee Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda kuwaasi oo uu sheegay in ay maydadka Saraakiisha Iyo Ciidamada Dowlada eek u dhinta dagaalada ay jiid-jiidaan wadooyinka Muqdisho taasi oo uu sheegay in ay ka soo horjeedo Shareecada Islaamka.
Afhayeenka ayaa waxa uu ku tilmaamay soo laabashada Ciidamadooda mid xeelad dagaal ah isla mar’ahaanataana ay ku guleysteen tijaabinta Ciidamada dowlada diidan xilli galabnimadiiba dib looga soo eryaday Ciidada Dowlada goobihii ay gaareen iyaga iyo kuwa Amisom dagaalkii ugu danbeeyay Ee Muqdisho ka dhacay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.