Bartamaha(Muqdisho):-
Aadan Cilmi Mire oo ka mida saraakiisha dowlada Fd soomaaliya ugu qaabilsan Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan weeraro ku qaadayaan kooxaha islaamiyiinta ah ee ku sugan Gobolada Bay,Bakool,Gedo iyo Jubooynka.
Sargaalkan ayaa tilmaamay in ay isaga filanyihiin la dagaalanka kooxaha uu ku tilmaamay ajaanibta ee maamulka u haya Deegaanada ay ka soo jeedaa Ciidamada lagu aruurinayo Doolow Itobiya.
Col.Aadan ayaa sheegay in uu isaga ka midyahay ragga horkacaya Ciidamada Dowlada isagoo sheegay in ay marwaliba weerar ku yihiin Goboladaasi oo uu tilmaamay in ay uga noolaanwaayeen waxa uu ku sheegay kooxo ajaanib dalka ku soo duushay.
Sargaalkan ayaa si weyn ugu goodiyay in aanay saacado ku qaadanaynin in ay xoog ku gaaraan dhammaan Gobolada ay joogaan islaamiyiinta Al-qaacidada ah sida uu isaga sheegay waxa uuna tilmaamay in ay haaytan Ciidamadooda u diyaarsanyihiin la dagaalanka koxaha Goboladooda qabsaday.
Masuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo iyaga gacansiinaya isagoo tilmaamay in labadaasi Ciidan ay yihiin kuwa wallaala ah kana mideysan la dagaalanka Ciidamada ka yimid Af-gaanistaan iyo Pakistaan sida uu tilmaamay Sargaalkaasi.
Hadalka ka soo yeeray sargaalkaasi Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ka mida ayaa imaanaya xilli dhaqdhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo Degaanka Doolow oo ay isku urursanayaan Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Itoobiyaan ah oo iskaashana.
Xafiiska Warark Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.