Bartamaha — Sida aan la soconno dawlado badan oo ay ka mid ahaayeen Hindiya iyo Gaana waa la wada arkay sida ay u dabaal degeen 50 guurada xornimadooda iyo waqtiga dheer ee ay u diyaargaroobayeen. Anagana wax hadal haya ma jirto, sababtoo ah dadkeena waxay ku sugan yihiin xaalad qalafsan oo naxdin leh. Ma hayno xornimo aan ku faano iyo horumar waxaaba intaas ka sii daran sida aan u dayacnay ubadkeenii oo aanan ugu hanbayn wax ay dhaxlaan. Ilaa saddex fac oo Soomaali ah ayaa qasaartay oo dalalkii deriskeen ahaa waa naga tageen. .
Dadkeenii Soomaaliyeed waxaan ka dhignay kuwo dhintay kuwo qaxay, kuwo cabsi ku nool kuwo gaajaysan kuwo aan shaqo haysan kuwo aanan waxbarasho haysan-daryeel caafimaad warkiisa iskaba daa. Waxaaba laga yaabaa in qaarkeen la yaabaan xuska 50 guurada Maandeeq ee aan ka hadlayo laakiin bal horta aqriya inta aanan la moodin in aan ka hadlayo tumasho iyo damaashaad.
Soomaaliya waxay soo martay heerar kala duwan oo mar bay ahayd hormoodka Africa oo door ka ciyaartay ciribtirka midab takoorka iyo xoreynya qaar ka mid ah dalalka maanta Africa ugu ladan. Maantana meesha ay marayso uma baahna in aan warbixin ka bixiyo oo waa iska caddahay. Meel caalamku   ku cayaaro bad ito birriba sow maahan!. Xornimada Soomaaliya dad baa u soo halgamay maal iyo nafba u huray, geesiyaashaas waa kuwa aan u aqaan ama ugu yeero facii Soomaalida ugu mudnaa ( the greatest generation) sababta aan magacaas ugu bixiyey waxay ahayd sida ay u midoobeen ama qabiil meel isaga dhigeen ka dibna xornimo noogu soo dhacsheen. Laakiin Maandeeq yaa gaagixiyey?
Facii Soomaaliya ugu fiicnaa kuma ekaaanin in ay xornimada dhaliyaan oo keliya ee waxay difaaceen qaranimadii cusbayd. 1964 Ethiopia waxay soo qaaday dagaalkii Togwajaale ayadoo islahayd ka faaiideyso dawladda cusbayd ee Soomaaliya inta aanay xoogaysan. Ethiopia waxay damacday in ay qabsato Hargeysa iyo nawaaxigeeda laakiin facii ugu fiicnaa Soomaalida kama yeelin. Haddii aanay ahayn xooggii dalka Soomaaliyeed maanta hargeysa waxaa looga hadli lahaa afka amxaariga. Halganka geesiyaashaas waxaa nooga filan gabaygii Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacade mar uu ka waramayay xornimadii loogu magac daray “ Hashii Maandeeqâ€Â asagoo ugu hanjabayay Ethiopia inanay Soomaaliya ku soo qaldamin. Abwaan Tima cade oo ah abwaanka aan aad u jeclahay gabayadiisa sida “Kanna siib kana saar “ ama dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane†bal ila aqriya oo xusuusta gabaygiisii hasha.
Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joo*** garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay
hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey
galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
goobtuu sidkeedii go’ay galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye
Xornimadii Soomaaliya ama hashii Maandeeq iyo dawladnimadii Soomaaliyeed waxaa ku tuntay siyaasiyiin kursi raadis ah ama kuris xajis ah weliba nasiib darro qaarkood jabhado kasoo samaysteen Ethiopia   Waxaan rabaa in aan da’ yarta Soomaaliyeed u sheego in dadka waaweyn ee Soomaaliyeed aanay wada xumayn ama ka wada qayb qaadan dumistii qaranka oo ay ahaayeen in yar oo dano gaar ah watay, kuwaasoo ummaddii dabka ku shiday ayagoo isticmaalay qabiil. Waxaan kale oo rabaa in aan xuso in aanay arrintan ku dhcin si kedis ah oo nimakaas loo digay in badan in Soomaaliya noqon karto Lubnaan oo kale haddii aanay qaska ama qaybinta bulshada joojin. laakiin si ula kac ah ayay maangaabkaasi dantooda gaarka ah uga hormariyeen tii umadda Soomaaliyeed.
Ayagaana ka masuul ah waxa ku dhacay Maandeeq 50 sano ka dib iyo rafaadka dadkeena haysta. Siyaasiyiintaas dagaal oogayaasha ah waa kuwa aan qayim (moral) lahayn oo aanan wadaniyad lahayn oo aanan naxariis lahayn laakiin xariif ku ahaa isticmaalka qabiilka iyo sida dhalinyarada dabka loogu shito si ay dantooda gaarka ah ugu gaaraan. Taas waxaa caddayn u ah in aanan maanta lahayn mid hortegi kara qabiilkiisa oo dhihi kara waxaan ayaan idiin taray balse ay caddahay dhibta ay u geysteen beeshooda. Nimankaasi waa kuwa gaagixiyey Maandeeq ayagaana ku caano la’ kunana sharaf la’
Waa su’aal da weynoo madax daalinaysee, side loo xusi doonaa nus qarniga Maandeeq? Aniga waxay ila tahay:
1)   In denbi dhaaf Ilaahay la weydiisto loona noqdo iyo In qof kasta oo nool oo ka mid ahaa dadkii burburiyey qaranimadii Soomaaliya gaar ahaan dadkii masuuliyiinta ama madaxdii jabhadahii dalka burburiyey cafis weydiistaan
A)   dhalinyada mustaqbalkooda lagu cayaaray oo dhaxal la’aan ku dhacday
B)Â Â Â waayeelka nabadda loo diiday ama daryeelka
C)Â Â Â Qaxootiga la qaxiyey, qaxootiga gudaha iyo kuwa dibaddaba.
D)Â Â Â Culumadii la dhibi jirey ee nafsiga laga galay
E)   Maxaabiistii ay denbi baarayaasha Booliiska Soomaaliyeed sida xun u ciqaabi jireen ayagoo raacayay tababar qalad ahaa oo talyaaniga laga dhaxlay Caalamka hadda waa uu bartay in ciqaab aanan xog fiican lagu helin, diinta Islaamkana ma qabto. Ciidankasta oo Soomaaliya loo soo tababaro waa inuu ka danbeeyaa mid gudaha ay culimada islaamka ku siiyaan
F)Â Â Â Gabdhaha Soomaaliyeed oo gudniinka (ciqaabta) fircooniga laga deyn waayey. Waa in aan ku dayanaa Nabigeena SCW oo gudniinka qaladka ah joojinaa waxaaba laga yaabaa in gabdhaheena nalaka raacay.
G)Â Â Â Â Â Haweenka la kufsaday ama ninkoodii ama caruurtoodii ama ehelkoodii hortooda lagu dilay
H)Â Â Â Dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee xaqdarada loo dilay
I)Â Â Â Soomaalida ku dhamaatay badaha ama saxaaraha ama qurbaha
J)   Caruurta Soomaaliyeed oo la seejiyey dhaqankoodii diintoodii, afkoodii hooyo iyo macaanka Soomaalinimada
K)Â Â Â Ciideenii iyo ugaartii iyo xoolihii iyo dhirtii Soomaaliya
L)Â Â Â In cafis la weydiisto beelaha walaalaheen ee la hayb soocay iyo beelaha aanan hubaysneen oo sida xun loogu tuntay waxaaba laga yaabaa in ayaga nalaka raacay
2)Â Â Â In cafis la weydiisto geesiyaashii xornimada qaranka u soo halgamay kuwaasoo aanan filanayn in dadaalkoodii laga dhigay
3)Â Â Â hal bacaad lagu lisay weliba ayagoo qaarkood xeryaha qaxootiga ku geeriyooday.
4)Â Â Â In dagaalada la joojiyo oo waxwalba wada xaajood lagu dhameeyo lagana wada shaqeeyo sidii Soomaaliya nabad looga dhigi lahaa oo dib loo soo celiyo qaranimadii Soomaaliya. In laga foojignaado gacmaha ajnabiga ee dilalka qorshaysan ee ka dhacaya meel kasta oo ku taal Soomaaliya. In haraaga xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini la dhaqaaleeyo loona mahadceliyo.
5)Â Â Â Ugu danbayntii in maalin Soomaaliya oo dhan laga sameeyo Alla bari sida roob doonka oo kale ah ama duco nabad doon ama nabad tuug si gaar ah looga codsado caruurta dugsiyada quraanka iyo waayeelka dibinta ruugaya.
Maxmuud Nuur Wardheere
Faribault, Minnesota.
[email protected]