Bartamaha (Muqdisho):- Xildhibaan Salaad Cali Jeele ayaa si kulul u weeraray Dowlada KMG ah iyo Xoogaga Islaamiga ah.
Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo ka hadlayay dagaalada ka sii socanaya Magaalada Muqdisho iyo isku bira tumashada Dowlada iyo Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa waxa uu ku sheegay kuwa aan dani ugu jirin Bulshada rayidka ah.
Jeele waxa uu ku Eedeeyay masuuliyiinta sare Ee Dowlada in ay ku fashilmeen ammaanka islamarkaana ay masuul ka ahaayeen fashilinta amniga guud Howlgaladii lagu doonayay in lagu sugo.
“Soon iyo Soon la’aan ma yaqaanaan Shacabkay laynayaan…. maalin walba madfac umada lagu laynaayo dan ma aha, Dowlada waa in ay shacabka ay masuulka ka tahay amnigooda dhoortaa oo aanay garaacin guryaha rayidka shabaabka iyo waxa la socdanaya waa in ay Soonka yaqaanaan oo ay umada daayaan dhibkana joojiyaan…….” ayuu yiri Salaad Cali Jeele.
Xildhibaanka waxa uu Dowlada KMG ah ku dhaliilay qaabka ay ula dagaalanto Mucaaradka isagoo sheegay in dagaal walba oo magaalada ka dhaca ay shacab ku dhamaadaan taasina ay tahay masuuliyad daro.
Xildhibaan Jeele waxa uu sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in ay la socdaan dhibaatada taagan iyo dadka ku baaqanaya Nabad la’aanta iyo dagaal ka sii socda gudaha Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Bartmaha.Com Ee Geeska Afrika
waxaaba layaab leh in salaad cali jeelle oo hadalkaasi yiraahdo, wayoo salaad jeelle waa kii ku caan baxay dagaal hurinta waqityadii uu waziirka ahaa dowladii abdullahi yussuf. oo intuu layimaaday ciidamo ethiopian ah una duqeyyey shacabka reer moqdisho sidaan hada uu sheegayanaya si kadaran. saladow waxaa iga sual ah maxaa iska bdalay mowqifkaagii hore.
shaki ku kuma jiro shacabka dhibaato xun ay soo gaarto laakinse marka kasta uu digaal dhaco ayna tahay in masuuliyeeda la qaado arrintaasi lakinse taadi aad sameysay mailawday.