Safaaradaha Soomaalida qaarkood oo qarka u saaran in dhaqaala la’an loo xero.

Posted on Jan 21 2010 - 9:52am by News Desk
Tweet
Pin It

imagesBartamaha(Muqdisho):-Safaaradaha Soomaalida ee dalalka qaar ayaa qarka u saaran in dhaqaala la’aan loo xero ka dib khilaaf soo kala dhexgalay Wasaarada Arimaha Dibada iyo Madaxda Safaaradahaasi.

Warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaray www.Bartamaha.Com aya sheegaya in Safaaradaha Wadamada Jabuuti,Sucuudiga,Siiriya,Iiran,Ruushka iyo Wadame kale ay xiligan qarka u saaranyihiin in albaabyada loo laabo markii khilaaf iyo lacag la’aan ay weerartay.

Wasaarada Arimaha Dibada Sargaal ka tirsan oo Xog hoose  siiyay Warbaahinta www.BARTAMAHA.COM ayaa waxa uu sheegay in Safaaradaha Soomaalida ee dalal badan oo caalamka ah la hakiyay shaqadooda.

Sargaalkaais aya sheegay in Safaaradahaasi ay xiligan dhaqaala la’aan soo wajahday markii Wasiirka Arimaha Dibada uu la wareegay dhammaan shaqada ay qaban jireen Safaaradahaasi.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Wasaarada Arimaha Dibada ay dhammaan hakisay dhaqaalihii ay siin jirtay Safaaradahaasi iyadoo qaar ka mida Safiirada laga qaaday waraaqaha aqoonsiga.

Arintan khilaafka iyo dhaqaala la’aanta salka ku haysa ayaa waxa ay sabab u tahay in shaqada safaaradaha Soomaalida la galiyay hakad iyadoo dhawaan lkaga yaabo in albaabyada loo laabo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.