Bartamaha (Muqdisho):-Ra’iisul-wasaaraha Dowlada Fd Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo u waramayay wakaalada wararka Reuters ayaa waxa uu si weyn uga mahad celiyay deeq dowlada Maraykanka ay dhawaan dowladiisa siisay taasi oo u badnayd saanad Ciidan iyo Hub casri ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsanyihiin Hubka iyo Saanada Militari oo ay dowlada Maraykanka ugu deeqday Xukumada Fd Soomaaliya taasi oo uu tilmaamay in ay ahayd mid xiligan ay dowladiisu u baahnayd.
“Marnaba ma ilaabi doonto Xukumadayda gacanta taageerada leh oo ay Maraykanku siiyeen dowlada Soomaaliya si ay isaga difaacdo kooxaha qaswadayaasha caalamiga ah ee xiligan dagaalada nagu wado†ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo ku dheeraaday hadalka mahadcelinta Maraykanka.
Dr.Cumar C/rashiid ayaa walaac ka muujiyay dagaalada aan dhammaadka lahayn ee xiligan ka socda dalka soomaaliya isagoo sheegay in dowladiisu ay haatan awood u leedahay iska caabinta qolyaha dagaalada ku haya xukumada goobaha kooban ka talisa oo aan milkiyada caasimada haynin.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho –Somalia.