Roobab Mahiigaan ah oo Xalay illaa Saaka ka da’ayay Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Posted on Oct 26 2009 - 8:42am by News Desk
Tweet
Pin It

imagesBartamaha(Balad-Weyne):-Roob xoogan oo lagu diirsaday ayaa xalay illaa saaka ka da’ayay Magaalada B/Weyne iyo qeybo ka mida Gobolka Hiiraan oo dhawaanahan abaara ay ka jireen.

Magaalada iyo deegaanada ku dhow ayaa waxaa fiidnimadii hore ee Xalay waxaa ka bilowday roob ay dadka ku jiifsadeen kaasi oo ka qaaday Kulayl Xoogan oo dhawaanahan ka jiray Gobolkaasi.

Jawiga Magaalada ayaa maanta u muuqda mid  aad u wanaagsan, iyadoona shacabka ku nool magaalada ay si aad ah ugu diirsadeen roobkii saacadiha badan xalay iyo saaka u da’ayay. 

Gaadiidlayda ka shaqeeya Magaaladaasi iyo deegaanada kale ee Gobolka ayaa waxa ay yihiin kuwa aan dhaqaaqin maadaama wadooyinka ay biya dhigeen roobkii Xalay illaa saaka ka da’ayay Magaalada B/weyne.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.