Karkaar: Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Degmada Qardho

Posted on Feb 28 2010 - 10:08am by News Desk
Tweet
Pin It

roobBartamaha(Qardho):-Roobab lagu diirsaday ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayay Deegaano ka mida Gobolka Karkaar oo ka mida Deegaanada Dowlada Goboleedka Puntland.

Roobab Mahiigaan ah oo dadka iyo Duunyada ay ku diirsadeen ayaa Xalay ka da’ay Deegaano ka mida Gobolka Karkaar isagoo biya dhigay Wadooyinka Magalaada Qardho ee Gobolkaasi.

Roobabka ayaa waxa ay bilowdeen Xalay galinkii danbe iyadoo dadka dagan Qardho ay dibada u soo bexeenm si ay ugu diirsadaan roobabka oo illaa saaka ka da’ayay Deegaanada Gobolkaasi Karkaar.

Dhawaanahan ayaa waxaa kuleyl xoogan ay dareemayeen dadka ku dhaqan Gobolkaasi Karkaar iyadoo dhawaanahan aanu roob wanaagsan ka da’in Gobolkaasi Karkaar balse Xalay illaa saaka ay dadka ku diirsadeen.

Wadooyinka Magaalada Qaredho waxaa biya Xareed ah dhigay roobabkii Xalay illaa saaka ka da’ayay Magaalada iyadoo barqanimadii maanta uu xooga roobkaasi joogsaday waxaana dib u furmay ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii dadka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.