Raxan Libaaxya ah oo halis ku haya dadka reer Jowhar.

Posted on Nov 30 2010 - 11:58am by News Desk
Tweet
Pin It

libaaxBartamaha (Jowhar):- Raxanyo Libaaxya ah ayaa looga noolaan la’yahay tuulooyin badan oo ka mida Gobolka Sh/dhexe.

Dadka ku dhacan tuulada Tuula Raqayle iyo tuulooyin kale oo u dhowdhow Degmada Jowhar Ee Gobolka Sh/hoose ayaa ka cabanaya raxan Libaaxya ah oo dhibaata culus ku haya dadka deegaankaasi.

Libaaxyada ayaa la sheegay in ay xiliyada habeenkii soo galaan dhulka tuulooyinka ah ee ku dhowdhow Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe waxaana ay halis galiyaan dadka deegaanadaasi.

Waxaa illaa haatan Libaaxyada ay beegsadeen Xoolaha lagu xero xerooyinka ay leeyihiin dadka dhibanayaasha ah ee qaati ka joogo Libaaxyadan oo aanay awoodin in ay iska caabiyaan xiliga ayb soo weeraraan.

Weeraradan Libaaxada ay samaynayaan ayaa waxa uu qasab ka dhigay in dadka deegaanada Jowhar iyo dhulka ku dhowdhow dagan ay la soo qaxaan caruurtooda si ay Libaaxyada uga badbaadsadaan.

Cabasho balaaran ayaa arintaasi ka soo baxaysa waxaana la aaminsan yahay in xiligan ay yihiin raxantii ugu darnayd oo laga baqanayo in dhibaata culus ay shacabka iyo reer guuraaga jowhar banaankeeda dagan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].