Guul daro soo wajahday Xulka Kubada Cagta Soomaaliya iyo Shil shalay ay galeen (Daawo).

Posted on Nov 30 2010 - 6:35pm by News Desk
Tweet
Pin It

shikii ciyaaryahanadaBartamaha (Dar-salam):- Xulka Qaranka Ee Soomaaliya ayaa galabta guul dara la kulmay ka gadaal markii Ciyaar adag ay la galeen Wadanka Tanzania.

Ciyaartii Labaad oo ay xulka Soomaaliya saftaan koobka Bariga iyo Bartamaha Africa  oo sanadan ay marti galinayeen wadanka Tansaaniya waxaana maanta lugtii labaad isaga horyimid Tanzania iyo Soomaaliya.

Ciyaarta Qeybtii hore ayaa ahayd mid Labada Xul ay ahaayeen kuwa si is bar bar taagan ay u ciyaarayeen waxaana ay soo wada bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo ahayd mid ay u wada riyaaqayeen taageerayaasha.

Xulka Soomaaliya ayaa difaac adag iyo weerar qaawan sameeyay xiliga ciyaarta ay socotay 15-Daqiiqo waxaana Muddo yar ka dib shabaqa soomaaliya lala helay Goolkii koowaad ee ciyaartaasi.

Ciyaarta qeybtii hore ayaa lagu maray 1-0 oo xulka Soomaaliya Hal gool lagu lahaa waxaana markii la isku soo laabtay bilaabatay Ciyaar jajabin iyo burburinta awooda ciyaaryahanada Soomaaliyeed ah.

Ciyaaryahanada Soomaalida ayaa dhowr Ciyaaryahan laga saaray garoonka markii dhaawacyo ay gaareen iyadoo hore ay u ahaayeen kuwa shalay shil galay oo jug iyo dhaawacyo ay wada gaareen ciyaaryahanadii Soomaalida.

Daqiiqadii 75-aad ayaa waxaa shabaqa Soomaaliya oo uu dayacay Goolhayana waxaa gool si dabacsan ku dhaliyay ciyaaryahanka dhanka weerarka midig ka ciyaara waxaana ciyaartii Maanta lagu soo waqti dhameeyay 2-0 oo soomaaliya looga guulaystay.

Shalay ayaa waxaa shil galay ciyaaryahanadii Xulka Soomaaliya waxaana xulka ka dhaawacmay rag muhiim ah sida Ciise Aadan, Kamaal Cali Cumar {Kamaalii}, Daahir Mustaaq iyo Yaasiin Cali Cigaal ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaareen waxaa dhaawacyadooda lagu dabiibayaa isbitaal ku yaala magaalada Darrudsalam.

DAAWO SAWIRADA SHILKII SHALAY DHACAY:-







Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected].